Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa beeniyay inuu Trump qorsheynayo weerar nukliyeer ah oo laga fuliyo gudaha Iiraan inuu amar ku bixiyo, iyadoo la sheegay hadal kasta oo la xiriirta inuusan xaqiiqo ahayn, sida ay werisey wakaaladda wararka ee AP.
Trump ayaa hadda u sheegay Fox news ; “Saacadda 8:00 fiidnimo waa la gaari doonaa, haddii aan gaarno, waxaa dhici doona weerar aysan weligood arag…balse haddii wada-hadalladu hore u socdaan oo ay jiraan wax cad oo la taaban karo, waqtiga kama dambaysta ah waa la beddeli karaa.”
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa ku boorriyey Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, inuusan waqtigan raadin xabbad-joojin lala galo Iran, isaga oo muujiyey walaac ku saabsan khataro suurtagal ah, sida lagu sheegay warbixin ay Isniintii daabacday Axios.
Intii lagu jiray wicitaan telefoon oo dhacay Axaddii, Netanyahu ayaa muujiyey shaki ku saabsan suurtagalnimada xabbad-joojin lala gaaro Iran, isaga oo ka digay in tallaabadaasi ay keeni karto khataro istaraatiiji ah, sida uu sarkaal Israa’iili ah u sheegay Axios.
Baxrayn ayaa ku guul-darraysatay qaraar ay ku doonaysay Golaha Ammaanka inuu soo saaro go’aan lagu furayo marin-biyoodka Hormuz ee u xiran Iiraan,kadib markii Ruushka iyo Shiinaha ay adeegsadeen awooddooda diidmada qayaxan (veto).

