Monday, April 6, 2026

Aqalka Cad Oo Sheegay Inaan Wali Go’aan Laga Gaarin Hindisaha Xabbad-joojinta ee Pakistan soo Bandhigtay

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Warar si rasmi ah uga soo baxay Aqalka Cad ayaa muujinaya in weli aan la gaarin go’aan kama dambeys ah oo ku saabsan hindisaha xabbad-joojinta ee ay soo bandhigtay Pakistan, xilli xiisadda dagaal ay cirka isku shareertay.

Sarkaal sare oo la hadlay CBS News ayaa sheegay in qorshahaasi uu ka mid yahay fursado badan oo miiska u saaran maamulka Donald Trump, balse uu carrabka ku adkeeyay in Madaxweynaha uusan weli ansixin.

“Go’aan kama dambeys ah weli lama gaarin,” ayuu yiri sarkaalku, isagoo tilmaamay in xaaladdu wali ku jirto marxalad qiimeyn iyo xisaabtan istiraatiiji ah.

Dhanka kale, howlgalka milatari ee loo bixiyay Operation Epic Fury ayaa si buuxda u socda, taasoo muujinaysa in Washington aysan wali u janjeerin dhinaca dejinta dagaalka. Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu si toos ah uga hadlo xaaladda dagaalka, khudbad la sugayo oo la qorsheeyay duhurnimada maanta xiliga mareykanka.

Ilaa hadda, mas’uuliyiinta Iran kama aysan bixin wax jawaab rasmi ah oo ku saabsan hindisaha Pakistan, taasoo sii kordhinaysa mugdiga ku hareeraysan mustaqbalka dadaallada diblomaasiyadeed.

Xaaladda ayaa weli ah mid cakiran, iyadoo indhaha caalamka ay si dhow ula socdaan tallaabooyinka xiga ee ka imanaya Washington iyo Tehran.

Dhinaca kale Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Pakistan, Tahir Andrabi, ayaa ka gaabsaday inuu xaqiijiyo ama beeniyo wararka sheegaya in Pakistan ay soo jeedisay qorshe lagu soo afjarayo dagaalka u dhexeeya Mareykanka, Israa’iil iyo Iiraan.

Andrabi ayaa sheegay in ay jiraan warar kala duwan oo ku saabsan xabbad-joojin 45 maalmood ah ama qorshe ka kooban 15 qodob, balse aysan ka hadli doonin arrimahaas gaarka ah.

Wuxuu intaas ku daray in waxa kaliya ee la xaqiijin karo ay tahay in dadaallada nabadeed ay weli socdaan.