Axmed Madoobe: 20-ka Bishan hadii aan Jawaab laga helin Xasan Sheekh tilaabo go’aan ayaan qaadanaynaa.

by Heemaal
1 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa sheegay in maamulkiisu qaadi doono go’aanno culus haddii ilaa 20-ka bishan wax jawaab ah laga waayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo ku saabsan nidaamka doorasho ee dalka.

Axmed Madoobe ayaa hadalkan ka sheegay furitaanka kalfadhiga Baarlamaanka Jubbaland, isagoo xusay in Jubbaland ay mar walba u taagan tahay ilaalinta midnimada iyo wadajirka dalka.

“Jubbaland waxa ay u taagan tahay midnimada iyo wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Somaliland waxa aan leeyahay, halka aad aadeen la idin kama jirto,” ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland.

ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland.

Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in khilaafka siyaasadeed ee ka taagan hannaanka doorashooyinka u baahan yahay xal qaran oo lagu wada heshiiyay, isla markaana uusan noqon karin mid hal dhinac go’aan ka gaaro.

Hadalkan ayaa si toos ah ula xiriira baaqii hore ee ay soo saareen xisbiyada mucaaradka, kuwaas oo ku gooddiyay in ay qabanayaan doorasho iyaga u gaar ah haddii Madaxweyne Xasan Sheekh uusan soo bandhigin nidaam doorasho oo lagu wada heshiiyay, kuna saleysan dastuurka iyo is-afgarad siyaasadeed.

Axmed Madoobe ayaa ugu baaqay dowladda federaalka in ay ka jawaabto walaacyada jira, isla markaana la isugu yimaado wadatashi ballaaran oo lagu badbaadinayo midnimada dalka iyo hannaanka dimuqraadiyadeed ee Soomaaliya.

Print
Nutrition facts: 200 calories 20 grams fat
Rating: 5.0/5
( 2 voted )

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.