Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in xurriyaddiisa dib loo siiyay Senetar Ilyaas Badal Gaboose, kaddib muddo dheer oo uu ku jiray xabsi guri, taas oo dhalisay hadal-hayn siyaasadeed iyo walaac la xiriira xuquuqda siyaasiyiinta iyo jawiga dimuqraadiyadeed ee Jubaland.
Go’aankan ayaa yimid kaddib wadahadallo iyo is-afgarad laga gaaray xaaladda Senetarka, iyadoo Madaxweynaha Jubaland uu tilmaamay in danta guud ee shacabka, ilaalinta nabadda, iyo midnimada bulshada Jubaland ay ka mudan yihiin danaha gaarka ah ama khilaafaadka siyaasadeed ee jira.
“Walaaladay Senator Ilyaas Badal Gaboose iyo Sheekh Daahir Axmed Cabdullahi Waxaan isla garannay in danta guud, nabadda, iyo midnimada shacabka Jubaland ay ka sarreeyaan wax kasta oo kale, isla markaana aan si wadajir ah uga shaqeyn doono danta dadka ree Jubaland.” ayuu yiri Madoobe.
Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay in maamulka Jubaland uu mar walba u arko tanaasulka siyaasadeed mid muhiim u ah xallinta murannada, isla markaana uu doorbidayo wadahadal furan oo nabadeed halkii laga geli lahaa is-mari-waa iyo is-qabqabsi sii hurin kara xiisadaha jira.
“Dowladda Jubaland waxay diyaar u tahay tanaasul aan xad lahayn si loo xaqiijiyo midnimo iyo wadajir buuxa. Waxa naga go’an in dhammaan kala aragti duwanaanta dhinaca siyaasadda lagu xalliyo waddo kasta oo nabadeed, isla markaana ilaalinaysa danta guud, xasilloonida iyo mustaqbalka dadka ree Jubaland” ayuu intaas ku daray.
Axmed Madoobe ayaa sidoo kale sheegay in tallaabadan ay qayb ka tahay dadaallo ballaaran oo lagu xoojinayo kalsoonida u dhexeysa hoggaanka siyaasadda, waxgaradka, iyo bulshada reer Jubaland, si loo helo jawi wadajir ah oo horseeda xasilooni siyaasadeed iyo mid amni. Waxa uu intaa ku daray in dib u sii deynta Senetar Ilyaas Badal Gaboose ay farriin cad u direyso dhammaan dhinacyada khilaafku ka dhexeeyo, taas oo ah in Jubaland ay doorbidayso nabad, isu-tanaasul, iyo is-afgarad ku dhisan wada-hadal, halkii laga dooran lahaa tallaabooyin sii kala fogeynaya dhinacyada is haya.
Senator Ilyaas Bedel Gaboose ayaa sheegtay in loo doortay Madaxweynaha Jubbaland labo sano ka hor, waxaana gadaal ka riixayey DFS oo khilaaf la xiriira arrimaha doorashooyinka uu kala dhexeeyey Axmed Madoobe, iyadoo markii dambe Mr Gaboose xabsiga la dhigay ka dib amar uu bixiyey Axmed Madoobe oo ka carooday talaabada uu qaaday, tan iyo xiligaasna waxaa uu ku jiray xabsi guri magaalada Kismaayo.
Dhinaca kale, falanqeeyeyaasha siyaasadda iyo qaar ka mid ah bulshada Jubaland ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid muhiim ah oo wax ka tari karta yareynta xiisadaha siyaasadeed ee muddada ka taagnaa deegaanka, isla markaana kor u qaadi karta rajada ku aaddan wada-shaqeyn siyaasadeed oo loo dhan yahay.
Waxa ay sidoo kale muujinayaan in sii deynta Senetarka ay fursad u tahay in dib loo bilaabo wadahadallo wax ku ool ah oo lagu wajaho khilaafaadka jira, lana dhiso kalsooni cusub oo u dhexeysa dhinacyada siyaasadda.
Guud ahaan, dib u helista xurriyadda Senetar Ilyaas Badal Gaboose ayaa loo arkaa tallaabo istiraatiiji ah oo lagu muujinayo rabitaanka maamulka Jubaland ee ah in la helo mustaqbal ku dhisan nabad, xasilooni siyaasadeed, iyo wada-jir bulsho, taas oo faa’iido u leh horumarka iyo midnimada Jubaland.



