Baarlamaanka Midowga Yurub Oo Hakiyey Heshiisyadii Ganacsi ee Maraykanka kadib Hanjabadii Trump

by Heemaal
0 minutes read
A+A-
Reset

Baarlamaanka Midowga Yurub ayaa go’aan rasmi ah ku hakiyey heshiisyadii ganacsi ee u dhaxeeyay Midowga Yurub iyo Mareykanka, kadib khilaaf xoogan oo ka dhashay arrinta Greenland iyo canshuuraha (tariffs) uu Mareykanku kusoo rogay qaar ka mid ah waddamada Midowga Yurub.

Go’aankan ayaa yimid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed iyo kuwa dhaqaale ee u dhaxeeya Washington iyo Brussels, iyadoo Baarlamaanka Yurub uu sheegay in tallaabadan ay tahay mid looga jawaabayo “cadaadis ganacsi” iyo “faragelin siyaasadeed” oo saameyn ku yeelan karta danaha Midowga Yurub.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.