Bangiga Itoobiya Oo Qaaday Jiho Cusub Kadib Wareegto Uu soo Saaray

by Heemaal
2 minutes read

Bangiga Itoobiya ayaa maanta warreegto uu soo saaray ku xusay wax ka badal badan oo la sameeyay.

1. Ganacsatada wax dhoofisa waxaa hada loo ogolaaday in cadadkay rabaan dhigan karaan akoonkoda Retention-ka. Yacnihi faa’idada ama wixii lacag doolar ee ay dibada ka hellaan iyavaa kaydsan doona.

2. Macaamisha Bangiyada ku leh akoonnada lacagaha sarifka- lacagaha adag, hada kedib waxaa loo diyaarin doona kaarar Caalami ah oo qaab Electronic ah loogu dukaamaysan karo.

3. Qof kastoo akoon dolarka ah ku leh Bangiyada waxaa hada kedib loo fudeydin doona in akoonkisa ka isticmaallo lacagaha daawada, waxbarashada caruurta iyo wixii lamid ah.

4. Waxaa guud ahaan- ba meesha laga saaray boqol dolar oo lagu xidhi jiray dadka Itoobiyanka ee gudaha iyo qurbaha jooga ee furanaya akoon dolar ah. Boqolkii dolar ee dadka laga reebi jiray.

5. Qofkastoo Itoobiya ku nool oo dalka dibadisa ka soo noqonaya wuxuu hada kedib sarifan karaa lacagtu wato cadadkasta,isagoo aan marin Jibriga. Yacnihi lacagihi jibrigu xadidaya ee garoonka loo fadhiyay hada goobaha sarifka loo fasaxay- FX-ga ayaad cadadkasta ka sarifan kartaa adoon meel kale marin.

6. Qofka akoon dolara ku leh Bangigga waxaa loo ogolaaday in uu ilaa 3,000 dolar u diri karo ehelkisa dibada ku nool. Yacnihi sarif suuqa madaw ka jaban in lagu helo.

7. Ganacsatada maalgashiga tooska ah sameysa, safaaradaha iyo ururada caalamiga ah waxay hada kedib furan karaan akoon lacagta adag ah iyagoon marin Bangigga dhexe.

8. Ganacsatada dibada wax u dhoofisa waxaa loo ogaal doona in toos u heshiiyan qofkastoo dibada jira(Ganacsatada dibada), markaas keddibna waxaa qofka wax dhoofinaya akoonkisa toos loogu diri doona lacagaha hormarinta. Halkii Bangiga un shaqada qabanayay, hada qofka wax dhoofin ayaa akoonkisa kula macaamili dadku wax u dhoofin.

9. Xafiisyada wakiilada sharciyaysan ee sarifka oo horrey 10% hantidooda kamid ah lacag adag gacanta ku haysan jiray ayaa la gaadhsiiyay 25%. Yacnihi hadii hantiidisu tahay 4Milyan dolar, 1 Milyan oo Dolar ayuu gacanta ku haysan karaa.

10. Waxaa la ogolaaday in iyadoo xafiisyada sarifka la isticmaallayo qofku ka dhamaysan karo fiisoyinka, iyo cusboonaysiinta Basaboorka.

Waa fur-fur badan oo maalgashadeyasha iyo ganacsatada u dan ah.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.