Bayaan Laga soo Saaray Kulan Dhex-maray Erdogan Iyo Bin Salmaan Oo Lagu soo Daray Aqoonsigii ISR Ee Somaliland

by Heemaal
1 minutes read
A+A-
Reset

Dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga ayaa qasriga looga taliyo dalkaasi ku qaabilay Madaxweynaha Turkiga Erdogan oo galabta gaadhay caasimada Riyadh, iyadoo labada hogaamiye ay ka wada-hadleen arrimo dhawr ah oo kamid yihiin kuwa caalamiga ah iyo xaaladaha ka aloosan gobolka.

Kulankan kadaib ayaa Boqortooyada Sucuudiga iyo Dowlada Turkiga soo saareen bayaan wadajir ah iyagoo isku raaceen qodobadan hoose.

1) Waxay si wadajira u qaadaceen Aqoonsigii ay ISRAEL siisay Somaliland, waxayna sheegeen iney si buuxda utaageersan yihiin madax banaanida dhuleed ee dowlada Soomaaliya.

2) Waxay si wadajira u diideen in lakala qaybiyo dalka Yemen.

3) Waxay ugu baaqeen ISR iney si deg dega uga baxdo dhulka Suuriya.

4) Waxay si buuxda uga soo wada horjeesteen dowlada ay kaligeed ku dhawaaqday kooxda RSF ee ka dagaalameysa Wadanka Suudaan.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.