Bitcoin waxay lumisay dhammaan faa’iidooyinkii tan iyo doorashadii Trump

by Heemaal
1 minutes read

Lacagta dhijitaalka ah ee ugu weyn dunida, Bitcoin, ayaa ka lumisay dhammaan faa’iidooyinkii ay gaartay tan iyo guushii doorashada ee madaxweynihii Mareykanka Donald Trump iyo markii uu xilka la wareegay, iyadoo Khamiistii hoos uga dhacday $70,000 sababo la xiriira rajada hoos u dhacday ee dhimista heerarka dulsaarka ee Bangiga Dhexe ee Mareykanka (Fed).

Suuqa guud ee lacagaha dhijitaalka ah (crypto) ayaa hoos u dhacay 8% 24 saacadood gudahood, wuxuuna gaaray $2.37 tiriliyan, sida ay sheegtay shirkadda falanqaynta ee CoinMarketCap.

Bitcoin-na isla waqtigaas waxay hoos u dhacday qiyaastii 8.5%, iyadoo ku ganacsaneysay $69,254.93 saacaddii 13:22 GMT.

Trump waxaa la doortay 5-tii Nofeembar 2024, waxaana doorashadiisa  maadaama uu ahaa madaxweyne taageera crypto  keentay in Bitcoin ay ka kacdo $68,000 una gudubto in ka badan $100,000 ilaa 17-kii Diseembar 2024.

Sidaas darteed, Khamiistii, Bitcoin waxay lumisay dhammaan faa’iidooyinkii ay ka heshay doorashadii Trump, sida ay muujiyeen xoguhu.

Dhanka kale, Ethereum, oo ah lacagta dhijitaalka ah ee labaad ee ugu weyn dunida, ayaa hoos u dhacday 7.7%, waxayna gaartay $2,050.9 saacaddii 13:24 GMT.

Falanqeeyayaashu waxay sheegeen in walaaca ku saabsan heerarka dulsaarka, hubanti la’aanta dhaqaalaha caalamka, xiritaanka boosaska maalgelinta deynta (leveraged positions), iyo faa’iido-qaadashada ay sabab u noqdeen in maalgeliyayaashu ka guuraan suuqyada crypto.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.