Ciidamada Booliska Somaliland ayaa sheegay iney gacanta ku dhigeen dumar ku eedaysan faafinta dhaqammo xunxun oo si cad uga soo horjeeda Diinta Islaamka, dhaqanka suubban, akhlaaqda iyo badqabka bulshada.
Eedaysanayaashu waxaa lagu eedeynayaa inay muuqaallo iska duubeen iyagoo dagaallamaya, isla markaana ku hadlaya hadallo ka hor imanaya Diinta Islaamka, kuwaasoo dhaawacaya qiyamka iyo anshaxa bulshada.
“Eedaysanayaasha waxa si degdeg ah loo horgeyn doonaa hay’adaha garsoorka” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay taliska Booliska Somaliland.
Taliska Ciidanka Booliska Somaliland ayaa kale bulshada uga digay falalka noocan oo kale ah ee lidka ku ah Diinta, dhaqanka suubban iyo nabadgelyada guud, waxaanu adkaynaya in cid kasta oo ku kacda falal noocaas ah lala tiigsan doono sharciga.

