Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjire Mukhtaar Cismaan Kaariye, oo ah Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, waxaana kulanka ku wehliyay Ku-xigeenka Taliyaha Booliska AUSSOM, Dr. Samuel Asiedu Okanta.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Booliska Soomaaliyeed iyo howlgalka AUSSOM, gaar ahaan dadaallada lagu taageerayo sugidda amniga deegaanada laga xoreeyay kooxda Khawaarijta, iyo adkeynta amniga guud ee gobollada dalka.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii Ciidamada Dowladda, gaar ahaan Booliska, loogu gacan siin lahaa la wareegidda mas’uuliyadda amniga, iyadoo laga faa’iideysanayo dib-u-dhiska ballaaran ee lagu sameeyay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, tababarada, qalabaynta, iyo tayeynta hoggaanka iyo howlgalada amni.
Taliyaha Booliska, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa bogaadiyay doorka Midowga Afrika iyo AUSSOM ee taageerada amniga, isaga oo xusay in wada-shaqeynta dhow ay muhiim u tahay xasillinta deegaanada la xoreeyay iyo hubinta in shacabka ay helaan nabad iyo kala dambeyn waarta.
Dhankooda, Danjire Mukhtaar Cismaan Kaariye iyo Dr. Samuel Asiedu Okanta ayaa adkeeyay sida ay uga go’an tahay in ay sii wadaan taageerada tababar, farsamo iyo mid istiraatiiji ah oo lagu xoojinayo awoodda Booliska Soomaaliyeed, si ay si buuxda ugu shaqeeyaan sugidda amniga iyo la-dagaallanka kooxaha nabad-diidka ah.

