HS: Kooxda Manchester United ayaa qorshaynaysa isbeddel weyn oo ay ku sameyso khadkeeda dhexe xagaagan, iyadoo maamulka kooxdu ay rabaan inay sugaan mustaqbalka fog ee kooxda. Sida ay sheegtay jariidadda The Mirror, kabtanka kooxda ee Bruno Fernandes ayaa si layaab leh ugu magacaabay xiddig dhalinyaro ah oo ka tirsan horyaalka Premier League inuu noqon karo qofka beddeli doona mustaqbalka, waana xiddiga kooxda West Ham ee Matheus Fernandes.
Matheus Fernandes waa 21 sano jir, wuxuuna si heer sare ah ugu soo bandhigay kooxda uu hadda u ciyaaro inkastoo ay jiraan natiijooyin aan degganayn iyo hanjabaadda hoos u dhaca ee Premier League, taasoo ka dhigaysa mid adag in West Ham sii haysanayso, halka Manchester United ay ku dartay liiska ciyaartoyda ugu muhiimsan ee ay raadineyso.
Xiddigan dhalinyarada ah oo xagaagii hore £40 milyan uga soo biiray Southampton, ayaa durba soo jiitay indha kooxaha waaweyn ee Yurub ka dib markii uu saftay 30 kulan isagoo dhaliyay saddex gool. Sidoo kale, wuxuu markii ugu horreysay u ciyaaray xulka qaranka Portugal bishii Maarso, taas oo sii kordhisay kalsoonida laga qabo tayadiisa. Inkasta oo liiska Manchester United ay ku jiraan magacyo kale oo waaweyn sida Elliott Anderson iyo Sandro Tonali, haddana talada tooska ah ee ka timid kabtan Bruno ayaa ka dhigtay Matheus Fernandes bartilmaameedka ugu sarreeya ee ay kooxdu doonayso inay ku xoojiso khadkeeda dhexe.
Heshiiska Bruno Fernandes wuxuu socdaa ilaa 2027, wuxuuna weli yahay xiddig muhiim ah oo kooxda ka tirsan, balse maamulka kooxda wuxuu garowsaday in ku tiirsanaanta 31 sano jirkan aysan ahayn xal waqti dheer ah, gaar ahaan ka dib markii xagaagii hore ay jireen warar ku saabsan xiisaha kooxo Sacuudiga ka tirsan.
heemaal Sport.