Category: Soomaali

  • Booliiska Ghana Oo Gacanta ku Dhigay nin Sheekooyin Diimeed ku Marin-habaabiyay

    Booliiska dalka Ghana ayaa gacanta ku dhigay nin lagu magacaabi jiray “Iibo Nuux”, magaciisana dhabta ah yahay Evans Ieshon, kaddib markii uu si cad oo fagaare ah u sheegtay nabinimo, kuna marin-habaabiyay dadweynaha sheekooyin diimeed oo been-abuur ah.

    Booliiska Ghana ayaa caddeeyay in baaritaanku weli socdo, isla markaana eedeysanaha maxkamad la horgeyn doono, lana marin doono ciqaab adag.

    Gana
    Gana
  • Puntland oo War ka soo Saartay Talaabada Israel ku Aqoonsatay Somaliland

    Maamulka Puntland ayaa markii ugu horeysay si rasmi ah u cambaareeyay tallaabada Israa’iil ay ku sheegtay inay ku aqoonsatay Somaliland, iyagoo ku tilmaamay mid si cad u jebinaysa midnimada iyo wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

    Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid, ayaa sheegay in uusan jirin gobol ka mid ah Soomaaliya oo si gaar ah u qaatay xornimo, isla markaana dhammaan gobolladu ay ka mid yihiin hal dal oo mideysan.

    “Qayb ka mid ah Soomaaliya oo si gaar ah u qaadatay xornimo ma jirto. Gobol walba iskiis ayuu ahaa, balse dhammaantood waxay ku mideysan yihiin Soomaaliya,” ayuu yiri Wasiir Caydiid.

    Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa si cad u adkeeyay in Puntland marnaba aqbali doonin kala qeybinta dhul.

    “Gumeystayaashii reer Yurub, qabiilna qabiil wax uguma darin, Isaaq intiisa ayuu lahaa, Awdal gaarkeeda ayay ahayd, Warsangeli saldano ayuu ahaa, Dhulbahantena halkiisa ayuu joogay, calanka buluugga ah ayaa xornimada lagu qaatay, calan Somaliland ahna ma jirin” ayuu yiri wasiir Caydiid.

    “Hadday Isaaq go’ayaan intooda ayay la go’ayaan oo ah Woqooyi Gaalbeed, qayb Togdheer ka mid ah iyo qayb yar oo Sanaag ah” ayuu raaciyay.

    Hadalka Puntland oo ah mid lala soo daahay ayaa ku soo aaday xili todobaad ka hor maamulka Netanyahu uu sheegay in Israel ay dal madax banana u aqoonsatay Somalia, taasoo si weyn ay uga soo horjeesatay DF iyo beesha caalamka.

  • Dawlada Somaliya oo Imaamyada Masaajida ku Amartay In Salaada Jimcaha Looga Hadlo Midnimada

    Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa farriin rasmi ah u dirtay dhammaan imaamyada iyo khadiibyada masaajidda dalka, taas oo ay ku farayso in khudbada Jimcaha ee berrito oo ku beegan 02/01/2026 si gaar ah looga hadlo ahmiyadda midnimada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed, iyo sidoo kale khatarta ay leedahay faragelinta Isra’iil.

    Wasaaraddu waxay sheegtay in arrintani ay tahay mid ku qotonta wacyigelin diini ah iyo mid qaran, si bulshada Soomaaliyeed loo xoojiyo isku duubnideeda, loogana feejignaado wax kasta oo wax u dhimi kara nabadda, wadajirka, iyo madaxbannaanida dalka.

    Sidoo kale, Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ayaa imaamyada iyo culimada ku boorrisay in ay bulshada ku baraarugiyaan doorka diinta Islaamka ee ku aaddan ilaalinta midnimada, iskaashiga, iyo ka hortagga khilaafaadka iyo faragelinta shisheeye.

    Ugu dambeyn, wasaaraddu waxay ugu baaqday culimada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed in ay muujiyaan masuuliyad, wacyi, iyo midnimo, si loo adkeeyo jiritaanka qaranimada iyo wada noolaanshaha bulshada.

     

     

  • Waraysigii Al Jazeera,Ee Xasan Seekh “Somalia Xiriir wey la Yeelan kartaa Israel”

    Sideebu doonayaa madaxweyne Xasan , inuu ku wajaho go’aankii Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland?

    Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wareysi ay horraantii maanta baahisay Al Jazeera ku xaqiijiyay in waxa ka maqan Soomaaliya iyo Israa’iil uu yahay xiriir diblomaasiyadeed oo rasmi ah, balse Israa’iil ay tahay dowlad xubin ka ah Qaramada Midoobay, isla markaana Soomaaliya ay aqbalsan tahay jiritaankeeda dowladnimo.

    Suuragalnimada uu madaxweynuhu soo bandhigay ee ah in Soomaaliya xiriir la yeelan karto Israa’iil ayaa sidoo kale marag u noqonaysa in Soomaaliya, waqtigan, aysan gebi ahaanba diiddanayn barnaamijka uu Trump hindisay ee Abraham Accords.

    Labadan aragti waxay meesha ka saarayaan doodda ay dad badan ku diiddan yihiin aqoonsiga ay Somaliland ka heshay Israa’iil.

    Fikradayda, madaxweyne Xasan wuxuu gudbinayaa aragti ah in Israa’iil ay u baahan tahay inay soo marto Muqdisho oo sharciyad haysata. Wallow kulan uu madaxweynuhu toddobaadkan la qaatay xubno siyaasiyiin ah la sheegay in lagu soo bandhigay marxalad hore oo loo soo jeediyay in Soomaaliya ku biirto barnaamijka Abraham Accords, oo ujeeddadiisu tahay in xiriir la yeesho Carabta, dalalka kale ee Islaamka iyo Israa’iil wuxuu xilligaas sheegay inuu diiday soo jeedintaas. Hase yeeshee, wareysiga uu bixiyay ayaa laga dheehan karay inuu ka soo degay diidmadii hore.

    sla qaabkan dabacsanaanta ah ayuu madaxweynuhu hore ugu wajahay is-afgaradkii Itoobiya iyo Somaliland, isagoo qaaday olole diblomaasiyadeed oo ballaaran, kaas oo ugu dambeyn sababay in ra’iisul wasaaraha Itoobiya lagu soo dhaweeyo Muqdisho, isla markaana Turkigu door ka qaatay qaboojinta xiisaddii markaas taagnayd.

    Si kastaba ha ahaatee, marxaladda hadda taagan, Itoobiya waxay dib u soo cusbooneysiisay mowqif u muuqda mid ka soo horjeeda danaha Soomaaliya, inkastoo aysan si cad u shaacin mowqifkeeda. Hase yeeshee, ilo ku dhow Addis Ababa ayaa sheegaya in Itoobiya aysan ka soo horjeesan doonin Israa’iil, arrintaas oo lala xiriiriyay in Israa’iil ay hore olole ugu jirtay inay soo jiidato dalalka Geeska Afrika ka hor inta aysan ku dhawaaqin aqoonsiga Somaliland. Sidoo kale, Israa’iil ayaa Addis Ababa u soo bandhigtay ka-qaybgal qorshayaal amni oo la xiriira Qasa, kuwaas oo ay ku jiri karto in halkaas la geeyo ciidamo ka socda Itoobiya arrin siin karta Itoobiya, gaar ahaan Abiy Axmed, miisaan diblomaasiyadeed iyo marin ay ugu dhowaan karto maamulka Washington.

    Isku-day kasta oo Muqdisho ku raadinayso in la helo hab hoos loogu dhigo dhaqdhaqaaqa Israa’iil, iyadoo la marayo waddo lagu xakameeyo ama lagula xiriiro, ma aha mid fudud. Waxaa hor taagan caqabado ay ka mid tahay: ma heli kartaa Soomaaliya wax ka wanaagsan waxyaabaha ay Somaliland u soo bandhigtay Israa’iil? Kaarka ugu weyn ee Muqdisho, waa in is afgaradyada lala gaaro uu helayo sharciyad. Dalal sida Morocco ayaa u maray inay caqabadahooda ku xalliyaan barnaamijka Abraham Accords, waxay ku biirista barnaamijkan Morocco ku heshay in la gobolka Saxaraha Galbeed loo aqoonsado is maamul ka tirsan dawladda Morocco , taa oo meesha looga saaray madax bannaanidii ay raadinayeen Polisario, halka Suudaan oo xulafo lahayd Sacuudiga iyo dalalka hadda ku jira dadaalka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya lagu taageerrayo ay ku qancisay xulafadaa inay u oggolaadaan xiriir lala sameeyo Israa’iil, markaa oo Suudaan ay oggolaatay ku biirista Abraham Accords, wallow dagaallada socda ay meesha ka saareen dhaqangelinta heshiiska, markaa Khartuum, waxay u arkeysa xalka dhibaatada ay wajahayso inuu ku jiro xiriir lala sameeyo Israa’iil. Laakin haddii mowqif dalalkan la mid ah ay qaadato Muqdisho, iyana waxay leedahay la is waydiiyo xalku ma wuxuu ku dhammaananaya oggolaashaha Israa’iil iyo waxaa maxay doodda lagu qancinayo bulshada Somaliland?

    Muddo toddobaad ku dhow, tan iyo markii go’aanka Israa’iil uu soo baxay , ma jirin siyaasad maxalli ah iyo aragti lagu wajahayo oo madaxweyne Xasan uu soo bandhigay, dadaallada uu waddo illaa hadda waa cambaarenta caalamiga ah ee lagu taageerray midnimada Soomaaliya , taa beddelkeeda mucaaradka iyo xubno bulshada ka mid ah ayaa saluugsan habka Villa Somalia ay ku wajahayso marxaladan, illaa xubno mucaaradka ka mid ah ay sheegeen in kulanka ay la qaateen madaxweyne Xasan , uusan muujin wax walaac ah , waxna ka beddelin mowqifkiisa arrimaha dhalinayay khilaafka gudaha oo hubaanti la’aanta doorashada heshiis laga gaaro ay ugu horreyso. Taa beddelkeeda, madaxweynaha Somaliland , Cabdiraxmaan Cirro wuxuu dadweynaha la wadaagay inay jiraan dalal kale oo ku biiraya Israa’iil, kuwaasoo aqoonsanaya Somaliland.

    Ugu dambeyntii, Madaxweyne Xasan ayaa wareysiga Al Jazeera ku sheegay inuu helay xog sirdoon oo xaqiijinaysa in Somaliland ay aqoonsiga ku heshay markii ay oggolaatay saddex arrimood, tan koowaad waa dib-u-dejinta Falastiiniyiinta ee Somaliland, tan labaad waa in Israa’iil la siiyo saldhig militari oo ku yaalla xeebta Gacanka Cadmeed, tan saddexaadna waa ku biirista Somaliland ee Heshiisyada Abraham. Kuwani waa saddexda dalab ee Israa’iil, kuwaas oo uu sheegay in Somaliland aqbashay.

    Markii la weydiiyay waxa dhici kara haddii saddexdan dalab la dhaqan geliyo, wuxuu ku jawaabay: “Sanduuqii Pandora ayaa dunida lagu furi doonaa,” taas oo la macno ah in dhibaato aan dhammaad lahayn la gelayo, mid aan dhinacna faa’iido u lahayn.

  • Qoraalo Sir ah oo laga Helay in Mashruuca Somaliland Ee Yahuudda Uu Socday 80 sano.

    Qoraalo sir ah oo la helay, kuwaas oo la qoray ka hor xornimadii Soomaliya, ayaa waxaa ay tilmamayaan ”Somaliland in ay ahayd mashruuc yahuuddeed oo soo socday 80 sano”. Yahuuddu waxaa ay somaliland u arkaan dhulkoodii labaad ee falastiin kadib.

    “Soo jeedintaydu waa in la mideeyo dhulka loo yaqaan Xarar (Harrar) ee Itoobiya iyo qayb ka mid ah British-Somaliland, Si loo sameeyo dawlad loogu talagalay Yahuudda Yurub.

    Dhulkani wuu weyn yahay; Aad ayey u fududaan doontaa in loo qoondeeyo dadka yahuudda 60,000 ilaa 70,000 mayl oo laba jibaaran. Dhulkan waxaa ku nool dad yar oo beeraley ah, kuwaas oo aan laga yaabin in ay dhibaatooyin waaweyn abuuraan. Si kastaba ha ahaatee, waxaa lagama maarmaan noqon doonta in la xasuusto duruustii laga bartay waayo-aragnimadii Falastiin, taas oo ah, in laga hortago in dad ka yimid qaybaha kale ee Itoobiya ay qabsadaan dhulka iyo in laga ilaaliyo kicin-wadayaasha shisheeye.

  • Maraykanka oo Dib u Eegis ku Sameynaya Dadka si Qiyaano ah ku Qaatey Dhalashada Maraykanka

    Dowladsa Mareykanka ayaa dib u eegis ku sameyneysa kiisaska socdaalka iyo jinsiyad-qaadashada ee la xiriira muhaajiriin ka yimid 19 dal oo ay ka mid tahay Soomaaliya, si loo hubiyo in dad ka mid ahi ay helaan jinsiyadda Mareykanka si khiyaano ah, taasoo keeni karta in laga laabto jinsiyaddaas, sida DHS u xaqiijisay Fox News.

    “Sharciga Mareykanka wuxuu dhigaya in haddii qof uu jinsiyad ku helo khiyaano, ay taasi sabab u noqon karto in laga qaado jinsiyadda,” ayay tiri Kaaliyaha Xoghayaha waaxda Caddaaladda ee DHS, Tricia McLaughlin, bayaan ay siisay Fox News.

    Dib u eegistan waxay diiradda saaraysaa in khiyaano ay ka dhacday intii lagu jiray habraaca socdaalka ama jinsiyad-qaadashada, sida guur been ah ama bixinta xog aan sax ahayn si loo helo sharci deggenaansho ama jinsiyad.

    DHS waxay carrabka ku adkeysay in ka qaadista jinsiyadda ay tahay geeddi-socod sharciyeed oo aad u adag, islamarkaana lagu dabaqo oo keliya xaalado xaddidan.

    Dib u eegistu waxay khuseysaa kiisaska la xiriira 19 dal oo DHS u aragto dalal walaac laga qabo, kuwaas oo ay ka mid tahay Soomaaliya. DHS ma sheegin tirada kiisaska hadda la baarayo ama in dad loo gudbiyay dacwado ka qaadis jinsiyadeed.

    Ka qaadista jinsiyadda waa arrin dhif ah oo sharci ahaan aad u culus. Taariikh ahaan, dowladda federaalka waxay sanad walba qaaddaa tiro aad u yar oo kiisas ah, tan iyo sagaashamaadkii.

    Xeer-ilaaliyeyaasha waa inay caddeeyaan in jinsiyadda si sharci-darro ah lagu helay, waxaana caddaynta looga baahan yahay heer sare oo mararka qaarkood qaata sanado badan si loo dhameeyo dacwadda.

    Dabagalka arrintan wuxuu sidoo kale kusoo aadayaa iyadoo Wasaaradda Caafimaadka iyo Adeegyada Bulshada (HHS) ay joojisay bixinta lacagaha daryeelka carruurta ee Minnesota, kadib eedeymo la xiriira khiyaano ay sameeyeen xarumo xanaano carruur oo badan.

    DHS ma bixin jadwal cad oo ku saabsan muddada ay qaadan doonto dib u eegistu, mana sheegin in kiisaska ka qaadista jinsiyadda la filayo inay dhaqso u socdaan.