Ciidama ICE Iyo Shacabka Minneapolis Oo Faraha Iskula Tagay Iyo Muhaajir La Toogtay

by Heemaal
1 minutes read
A+A-
Reset

Warbaahin badan oo Mareykan ah, oo ay ka mid yihiin New York Times iyo AP, ayaa ku warramay in muhaajir ka soo jeeda Venezuela lagu toogtay fiidnimadii Arbacada (waqtiga maxalliga ah) magaalada Minneapolis, kadib markii ay rasaas ku fureen ciidama ICE ee federaal ka ah.

Afhayeenka Waaxda Amniga Gudaha ee Mareykanka, Tricia McLaughlin, ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in ciidamo federaal ah ay isku dayeen inay xiraan nin u dhashay Venezuela oo si sharci-darro ah dalka ugu sugnaa. Waxay sheegtay in ninku ka cararay ciidama, balse markii dambe la qabtay. Sida ay McLaughlin sheegtay, ninkaasi wuxuu markaas sameeyay fal rabshado ah oo ka dhan ah mid ka mid ah ciidanka federaal. Laba qof oo kale ayaa sidoo kale la sheegay inay rabshado kula kaceen ciidank, iyagoo sita faashado.

Sawirro laga qaaday magaalada ayaa muujinaya in rash lagu tuuray ciidamada ICE.

Dhacdadan ayaa timid toddobaad uun kadib markii Renee Nicole Good (37) ay isla magaaladaas ku toogteen kuna dileen askar ka tirsan ICE.

Wasiirka Amniga Gudaha, Kristi Noem, ayaa sheegtay inay diri doonto ciidamo oo federaal  ah si loo xoojiyo loona sugo shaqada ICE ee gobolka Minnesota, halkaas oo Minneapolis ku taallo.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.