Ciidamada Ilaaladda Kacaanka Iran ayaa ku dhawaaqay in Marinka Hormuz wixii hadda ka dambeeya uu furan yahay, isla markaana Maraakiibta xamuulka sida ay mari karaan haddii ay buuxiyaan shuruudo gaar ah oo ay dajiyeen.
Shuruudaha ay Ilaaladda Kacaanku ku xireen maraakiibta maraysa Hormuz waxaa ka mid ah; in maraakiibtu aysan ahayn kuwo ciidan, sidoo kalena aysan u rarnayn dalal ay Iran colaad kala dhexayso.
Dhanka kale, Iran waxay maraakiibta ka qaadaysaa khidmad, taasoo warbaahintu sheegtay in lagu qiyaasay $1 foostadii shidaal ahba. Taasoo ka dhigan in markabka sida 2 milyan oo foosto oo shidaal ah uu bixinayo lacag dhan $2 milyan oo doollar.
Dhinaciisa, Donald Trump oo ka gadoodsan in Iran ay diiday inay lacagtan wada qaybsadaan, ayaa saacad ka hor sheegay inuu isaguna isbaaro dhigan doono afaafka hore ee Hormuz!

