Ciidamada TPLF ayaa gabi ahaanba la wareegay Gobolka Raya Alamata ee Koonfurta Ethiopia, sida ay sheegtay Fano oo la yaabtay kalayaaca ku dhacay ciidamada milateriga Itoobiya markii ay ogaadeen Tigraygu kusoo socdaan.
Ciidamada Itoobiya ayaa iskaga cararay Raya iyo Alamata kadib markii ay ku soo dhawadeen manta ciidamada TPLF ee TDF oo jiidanaya madafiicda goobta iyo uraalo kayimid dhanka Tigray
Raya oo ay horay ujoogeen ciidamada federaalka Itoobiya ee ENDF iyo maliishiyadda Raya Forces oo tageero u ahaa Getachew Reda Madaxweynii hore oo gobolka Tigray lagaso ceyriyey 2025 Getachew Reda ayaa udhashay Gobolka Raya
Ciidanka Tigreyga ayaa hada ku wajahan deegaanka Raya Kobo oo ay kadhaw yihiin ciidamada Axmaarada Fano lama oga in dagaal dhexmari doono Axmaarada iyo Tigreyga oo isku haya lahanshaha gobolka Welkait ee Galbeedka Ethiopia