Ciidan Somaliyeed oo Turkiga Ku Baranaya Nidaamyada Diyaaradaha Dagaalka F-16

by Heemaal
1 minutes read
A+A-
Reset

Sawirro cusub oo naadir ah ayaa muujinaya farsamoyaqaannada diyaaradaha milatariga Soomaaliya oo tababar sare ku qaadanaya Dugsiga Tiknoolojiyadda Hawada ee dalka Turkiga, halkaas oo ay si qoto dheer ugu baranayaan nidaamyada taageerada dhulka ee diyaaradaha dagaalka ee F-16.

Tababarkan ayaa lagu tilmaamay mid heer sare ah, kuna jihaysan kor u qaadista aqoonta farsamo ee ciidamada cirka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada dayactirka, kormeerka iyo hawlgelinta nidaamyada casriga ah ee ay adeegsadaan diyaaradaha F-16.

Wararka la helayo ayaa sidoo kale tilmaamaya in diyaaradaha F-16 ee dhawaan lagu daabulay magaalada Muqdisho ay hadda ama dhowaanba si buuxda uga howlgeli doonaan duuliyeyaasha Soomaaliyeed, taasoo astaan u ah horumar weyn oo laga gaaray dib u dhiska iyo casriyeynta awoodda hawada ee Soomaaliya.

Khubaro dhinaca amniga ah ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid istiraatiiji ah oo xoojinaysa madaxbannaanida hawada dalka, isla markaana sare u qaadaysa awoodda Soomaaliya ee la dagaallanka khataraha amni iyo ilaalinta hawadeeda.

Tababarkan iyo helitaanka diyaaradaha casriga ah ayaa loo arkaa guul muhiim ah oo ka tarjumaysa iskaashi militari oo sii xoogeysanaya, gaar ahaan kan u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, iyo dadaallada socda ee lagu dhisayo ciidan qaran oo awood leh.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.