Ciidanka ICE oo Haweeney ku Toogtay Minesota & Xildhibaan Ilhan Cumar oo..

by Heemaal
1 minutes read

Ciidamada ICE ee dalka Mareykanka ee howlgallada ka wada gobolka Minnesota ayaa madaxa ka toogtay Haweeney sida uu sheegay taliyaha booliiska Minneapolis Brian O’Hara oo goor dhawed hadlay.

Wuxuu sheegay in hay’adaha sharciga maxalliga ah ay heleen war-gelin ku saabsan dhacdo dhimasho keentay oo ay ciidan gaysteen, ayna ka jawaabeen isla markaana ay heleen haweeney laga toogtay madaxa

O’Hara wuxuu sheegay in haweeneyda loo qaaday isbitaal, halkaas oo lagu dhawaaqay markii dambe in ay dhimatay.

Ilhaan Cumar, oo ah xildhibaan ka tirsan Congress-ka Mareykanka lagana soo doorto gobolka Minnesota, ayaa sheegtay inay si dhow ula socoto wararka ku saabsan toogashada, iyadoo haweeneydii geeriyootay ku tilmaantay “kormeer sharciyeed” oo daba soctay hawlaha ICE.

“ICE waa inay joojiyaan cabsi-gelinta bulshooyinkeenna isla markaana ay ka baxaan magaaladeenna,” ayay Ilhaan, oo xisbiga Dimuqraadiga ka tirsan, ku qortay baraha bulshada.

Ilhaan Cumar waa qofkii ugu horreeyay ee Soomaali-Mareykan ah ee loo doorto Congress-ka, waxaana marar badan weerarro iyo dhaleeceyn kala kulantay madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump.

Have any thoughts?

Share your reaction or leave a quick response — we’d love to hear what you think!

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.