Saturday, April 11, 2026

Ciidanka Iiraan Oo Pakistan ku Wargaliyay Inay Beegsan Doonaan Markab dagaal oo Mareykan ah Usoo Dhaqaaqay Hormuz

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Ciidanka Iiraan ayaa waxyar ka hor ku wargeliyay wafdiga Iiraan ee wada-hadallada u jooga Pakistan in markab dagaal oo Mareykan ah oo ah nooca destroyer-ka uu ka soo dhaqaaqay dekedda Fujairah ee dalka Imaaraadka Carabta , kaasoo ku sii jeeday marin-biyoodka Hormuz.

Sidoo kale Iiraan ayaa u sheegtay dhexdhexaadiyaha Pakistan in haddii markabka Mareykanka uu sii wato dhaqaaqiisa, lagu beegsan doono 30 daqiiqo gudahood, sida ay werisey wakaaladda wararka Iiraan ee Fars oo xiriir la leh ciidanka ilaalada kacaanka Iiraan.

Warbixintu, waxay intaa ku dartay in markabka Mareykanka u joojiyay dhaqaaqiisii kadib jawaab adag oo ka timid ciidanka Iiraan iyo digniin ay wafdiga Iiraan u gudbiyeen Pakistan, taasoo keentay inuu dib u laabto markabkan.