Ciidanka Israel Oo Shacab Falastiiniyiin ah ku Dilay Marinka Gaza

by Heemaal
1 minutes read

Ciidamada Israel ayaa toogasho ku dilay saddex Falastiiniyiin ah. Saddexda qof ayaa lagu dilay meelo kala duwan oo ku yaal magaalada Khan Younis ee koonfurta Gaza sida ay sheegeen mas’uuliyiinta caafimaadka.

Dhakhaatiirta ayaa sheegay in dadka dhintay ay ku jireen wiil yar oo 15 jir ahaa, nin kalluumeysata ahaa oo joogay meel ka baxsan meelaha Israel ay xukunto iyo qof saddexaad oo isna lagu dilay bariga magaalada. Militeriga Israel kama hadal dhacdooyinka lagu dilay dadka.

Si joogto ah ayey Israel u sii waday duqeynteeda ilaa markii la gaaray heshiiska xabad joojinta iyagoo sheegaya in ujeedkoodu yahay ka hortagga weeraro iyo burburinta kaabayaasha xagjiriinta.

Israel iyo xamaas midba kan kale ayuu ku eedeynayay in uu jabiyay heshiiska xabdjoojinta ee madaxweyne Trump sameeyay.

Qorshaha heshiiska madaxweyne Trump waxaa ku jiray in Israel ay maamusho in ka badan boqolkiiba 50 dhulka Gaza, in la sii daayo maxaabiista Gaza lagu hayo iyo kuwa Falastiiniyiinta ee Israel u xiran.

Have any thoughts?

Share your reaction or leave a quick response — we’d love to hear what you think!

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.