Ciidanka Jubbaland oo Gudaha Badda uga Hortagay Ciidankii K/Galbeed ee Maanta kasoo Baxay Baraawe.

Ciidanka Jubbaland oo wata doomaha dheereeya, ayaa gudaha badda uga hortagay ciidankii Koonfur Galbeed ee maanta kasoobaxay Magaalada Baraawe.

Askartan oo boqol askari kabadan ayaa barqanimadii maanta doomo kasooraacay xeebaha Baraawe, kadib markii dagaal uusan dhiig ku daadanin loogala wareegay
Saldhigyadii ay magaalada Baraawe kajoogeen.

Saacadaha soo socda ayaa laga filayaa in ciidanka Koonfur Galbeed lasoo gaarsiiyo Kismaayo. Waxaana howshan soo galbinta iyo dejinta ciidankan, abaabulaya taliska booliska Jubbada Hoose.

Cilaaqaadka siyaasadeed ee Jubbaland iyo Koomfur Galbeed ayaa bishan Maarso xoogaystay, kadib markii madaxweyne Laftagareen uu kafurtay siyaasada Villa Somalia.

In ciidankii Koonfur Galbeed ee Baraawe laga qabsaday ay u jihaystaan xagaas iyo Kismaayo ayaa iyana muujinaysa, iskaashi cusub iyo in hal dhufays lagu wadajiro.

Related posts

Hoggaamiyaha sare ee Iiraan Mojtaba Khamenei oo Qoraal soo Saaray

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha oo Waji-gabax kala Kulmay Hay’adda Caalamiga ah Olombikada

Dagaal Culus Oo ka Socda Duleedka Magaalada Baydhabo Galabta.