Dhimasho Iyo Dhaawac ka Dhashay Hawlgal ay Ciidanka Somaliland ka Fuliyeen Saylac

by Heemaal
1 minutes read
A+A-
Reset

WAR-SAXAAFADEED

Ciidanka Qaranka Somaliland, waxa ay maanta fuliyeen hawlgal amni oo qorshaysan, kaasi oo lagu baadi-goobayey koox hubaysan oo fal dambiyeed ku dilay laba qof oo shacab ah.

Hawl galkan oo ka dhacday Deegaanka indho biraale ee Degmada saylac, waxa muddadii uu socday, ay kooxdan iska caabin hubaysan kala hortimid Ciidanka Qaranka ee waajibaadkooda sugida amniga ku guda jiray.

Hawigalkaasi ayaa waxa uu sababay in laba ka mid ah kooxdaasi ay ku dhintaan iska-horimaadka, halka afar kale ay ku dhaawacmeen.

Ciidanka Somaliland oo gudanaya waajibaadkooda dastuuriga ah ee sugidda amniga, waxay ku guulaysteen inay soo qabtaan xubno ka mid ah kooxdii falkaas geystay, iyagoo sidoo kale gacanta ku dhigay hubkii ay wateen.

Ciidanka Qaranka Somaliland waxay mar kale digniin adag u dirayaan cid kasta ama koox kasta oo isku dayda inay khalkhal geliso amniga iyo xasilloonida shacabka, gaar ahaan gobollada galbeedka dalka, in laga qaadi doono tallaabooyin sharci ah oo waafaqsan xeerarka iyo dastuurka dalka.

Ciidanka Qaranku waxay shacabka u xaqiijinayaan inay sii wadi doonaan hawlgallada lagu xaqiijinayo nabadda, amniga, iyo ilaalinta naf iyo maalba.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.