Home SomaliCiidanka xoogga Dalka oo si Buuxda ula Wareegtay Baydhabo.

Ciidanka xoogga Dalka oo si Buuxda ula Wareegtay Baydhabo.

by Heemaaln
2 minutes read
A+A-
Reset

Wararka laga helayo Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, oo ay wehliyaan kuwa loo yaqaan Badbaadada Koonfur Galbeed, ay inta badan la wareegeen magaalada Baydhabo, xarunta gobolka Baay, kadib dagaal culus oo maanta ka dhacay gudaha iyo duleedka magaalada.

Muuqaallo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaya ciidamada dowladda oo si tartiib ah ugu fidaya xaafado dhowr ah oo ku yaalla bartamaha Baydhabo, halkaas oo ay si diirran ugu soo dhaweeyeen qaar ka mid ah shacabka deegaanka.

Sidoo kale, waxaa magaalada gudaheeda lagu arkayay saraakiil sare oo ka tirsan dowladda, oo ay ka mid yihiin taliyaha cusub ee Booliska Gobolka Baay Sadiiq Doodishe iyo wasiirka xanaanada xoolaha Xasan Eelaay, kuwaas oo si furan ugu dhex socday magaalada. Arrintan ayaa loo arkaa calaamad muujinaysa in awoodda ciidamadii taabacsanaa Cabdicasiis Lafta-gareen ay si weyn u wiiqantay.

Dagaalka ayaa haatan u muuqda mid yara deggay, kadib markii la jabiyay difaacii hore ee ciidamada maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo sidoo kale la sheegay in qaar kamid ah askartii la socotay maamulkaasi nolosha lagu qabtay.

Wararka ayaa intaas ku daraya in inta badan mas’uuliyiinta maamulka Koonfur Galbeed ay ku sugan yihiin madaxtooyada iyo aagga garoonka diyaaradaha, halkaas oo ay sidoo kale joogaan ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM.

Dhanka kale, dowladda Federaalka ayaa horay u caddeysay in aysan beegsan doonin xarumaha ay ku sugan yihiin ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika, halka warar hore ay tilmaamayeen in ciidamada Itoobiya aysan si toos ah uga qeyb qaadan doonin difaaca maamulka Lafta-gareen.

Horumarkan ayaa loo arkaa mid wax weyn ka beddeli kara xaaladda siyaasadeed ee Koonfur Galbeed, isla markaana saameyn ku yeelan kara mustaqbalka maamulka uu hoggaamiyo Cabdicasiis Lafta-gareen, iyadoo sidoo kale loo fasiran karo guul istiraatiiji ah oo u soo hoyatay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.