Ciidankii Awooda Badnaa Ee Kurdiyiinta Suuriya oo Dagaal lagu Burburiyey Iyo Turkiga

by Heemaal
2 minutes read
A+A-
Reset

Ciidamadii ugu awoodda badnaa ee Kurdiyiinta hoggaaminayeen, SDF, ayaa si lama filaan ah u galay burbur degdeg ah, kaddib markii laga saaray saldhigyadii militari iyo ceelashii shidaalka ee Suuriya, kuwaasoo ay gacanta ku hayeen tan iyo 2010.

Turkey ayaa hubkii ugu badnaa iyo gaadiid dagaal gelinaya dalka Syria, iyadoo goobaha ay la wareegeen saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Syria lagu arkay gaadiid dagaal oo Turkey uu soo saaray.

Qof kasta oo si dhow ula socday xaaladda Suuriya wuxuu fahmi karayay in SDF ay maalin uun wajihi doonto xaqiiqadan. Sababtoo ah in ururku muddo ku dhow 15 sano maamulayay ku dhowaad saddex-meelood meel dhulka Suuriya, halka Kurdiyiintu ay ka yihiin qiyaastii 10 boqolkiiba dadka Suuriya. Is-waafajin la’aantaas bulsho iyo juqraafi ayaa ahayd mid mar uun qarxi lahayd.

Maanta, SDF waxay si cad u la kulantay in bulshadii Carabta ee ay ku tiirsaneyd ay garabkooda ka baxaan, lana safteen ciidanka dawladda Suuriya. Arrintaas ayaa jebisay isku xirnaantii dhulka iyo bulshada ee SDF, isla markaana horseeday in dagaalyahanno badan ay si lama filaan ah uga goostaan. Taasi waxay keentay in SDF ay wajaho dagaal dhulka ah oo ka imaanaya dadka deegaanka, kaddibna ay si tartiib ah u lumiyaan deegaanno ay muddo dheer ka talinayeen, kuwaas oo uu si degdeg ah ula wareegeen ciidanka Suuriya.

Dhacdooyinkan ma ahayn kuwo lama filaan ah. Muddo bilo ah, arrintan si joogto ah ayaa looga falanqeynayay gudaha Turkiga, oo ah halka ay taageerrada ka helayaan ciidanka Suuriya , iyadoo la saadaalinayay in qaab-dhismeedka SDF uusan sii jiri karin marka taageerada bulsho ay lunto. Dhanka kale, Mareykanka, oo muddo 15 sano ah ahaa xulafada ugu weyn ee SDF gudaha Suuriya, ma uusan faragelin si uu u joojiyo burburka ku yimid ururka, taasoo abuurtay firaaq istiraatiiji ah oo ay si buuxda uga faa’iideysteen ciidanka Suuriya.

Natiijadu waxay noqotay in ciidanka dawladda ay maanta gacanta ku dhigaan in ka badan 70 boqolkiiba dhulkii ay SDF maamuli jirtay, oo ay ku jiraan dhammaan ceelashii shidaalka ee muhiimka ahaa, taas oo ah laf-dhabartii dhaqaale iyo mid istiraatiiji ah ee ururka.

Arrintan waxay si dhab ah u soo afjartay isla-waynidii iyo awooddii SDF, taasoo salka ku heysa natiijo ka dhalatay khaladaad muddo dheer la waday, go’doon bulsho, iyo isbeddel ku yimid miisaanka awoodda gobolka.

Kooxihii kasoo horjeeday dowladda Syria ayaa lumiyay gacan ku heynta deegaano badan oo Shidaalka qani ku ahaa iyo magaalooyin istaraatiijo ah.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.