Cilmi-baarayaal cilmiga xiddigaha (astronomers) ah ayaa aqoonsaday meeraha cusub oo cabbirkiisu la mid yahay kan Dhulka, kaas oo ku wareega xiddig u eg Qorraxda, una jira qiyaastii 146 sano-iftiin (light-years) Dhulka. Arrintan ayaa dib u soo nooleysay xiisaha ku aaddan in la heleo meerayaal in lagu noolaado ay suuragal tahay, sida lagu sheegay daraasad dhawaan la daabacay.
Meerahan, oo loo bixiyay HD 137010 b, ayaa lagu ogaaday xog laga helay teleskoobka hawada sare ee NASA ee Kepler (hawlgalkiisii K2), xogtaas oo la ururiyay sanadkii 2017, waxaana falanqeeyay koox cilmi-baarayaal caalami ah oo uu hoggaaminayo Alexander Venner, oo ka tirsan Jaamacadda University of Southern Queensland (USQ).
Natiijooyinkooda waxaa Talaadadii lagu daabacay jariidadda The Astrophysical Journal Letters.
Daraasadda ayaa sheegtay in meerahan uu qiyaastii 6% ka weyn yahay Dhulka, isla markaana uu ku wareego xiddiggiisa hal mar ku dhowaad 355 maalmood.
Cilmi-baarayaashu waxay sheegeen in uu leeyahay “qiyaastii 50% fursad ah inuu ku jiro aag nolol-ku-habboon (habitable zone)” ee xiddiggiisa, inkasta oo heerkulka dusha sare laga yaabo inuu u dhow yahay kan Meeraha Mars, isla markaana uu gaari karo –94 darajo Fahrenheit (–70°C) ama ka qabow.
“Waxa aad u xiiso badan ee ku saabsan meerahan la midka ah Dhulka ayaa ah in xiddiggiisu uu aad noogu dhow yahay — qiyaastii 150 sano-iftiin uun ayuu naga jiraa,” ayay tiri Chelsea Huang, oo ah qoraa ka-qaybgalay daraasadda kana tirsan USQ. Waxay intaa ku dartay in masaafada dhow ay ka dhigeyso bartilmaameed aad u wanaagsan oo ay teleskoobyada mustaqbalka baari karaan.
“Meeraha ugu dhow ee kale ee la yaqaan ee ku wareega xiddig u eg Qorraxda, kuna jira aagga nolol-ku-habboon — Kepler-186f — wuxuu naga jiraa masaafo afar jeer ka fog tan, sidoo kale waa 20 jeer ka daciifsan marka la eego iftiinka,” ayay tiri.
Calaamadda daciifka ah ee muujisay jiritaanka meerahan ayaa markii ugu horreysay lagu arkay dadaal ay sameeyeen muwaadiniin cilmi-baarayaal ah (citizen scientists), oo uu ku jiro qoraaga hoggaaminaya daraasadda, Venner. Isagoo arrintaas ka hadlaya ayuu yiri:
“Waxaan ka qayb qaatay mashruuc cilmiyeed ay dadweynuhu ku lug leeyihiin oo la yiraahdo Planet Hunters anigoo weli ku jiray dugsiga sare, waana mid ka mid ah sababihii ugu waaweynaa ee igu dhiirrigeliyay inaan galo cilmi-baarista.”
Wuxuu intaa ku daray: “Hawlgallada hawada sare ee mustaqbalka, kuwaas oo loogu talagalay inay si toos ah u sawiraan meerayaal la mid ah Dhulka — sida NASA Habitable Worlds Observatory — waxay sidoo kale yeelan karaan awood ay ku sawiraan HD 137010 b.”