Cumaan iyo Iiraan ayaa wadahadallo ka yeeshay sidii loo fududeyn lahaa marinka maraakiibta ee Strait of Hormuz, sida ay sheegtay wakaaladda wararka dowladda Cumaan.
Wadahadalladan ayaa imanaya xilli marinkaasi muhiimka ah uu si weyn u xirmay, kadib dagaalka ka socda Bariga Dhexe, taasoo si toos ah u saameysay isu socodka maraakiibta iyo ganacsiga caalamiga ah.
Inkasta oo xayiraado badan ay weli jiraan, wararku waxay tilmaamayaan in maraakiib gaar ah—gaar ahaan kuwa aan la xiriirin dalalka colaadda ku lugta leh—loo oggolaaday inay si xadidan uga gudbaan marinka Strait of Hormuz.
Trump oo u Muuqda in Dhiiga lagu Kiciyey ayaa soo Qoray Sidani;
Trump oo markale digniintii ugu dambeysay u direy Iiraan ayaa sheegay hadii aysan furin marinka Hormus inuu u diri doono cadaabta. Trump wuxuu sheegay fursada kaliya ee Iiraan haysato iney tahay iney furto marinka Hormus inta ka horeysa Salaasada.
“Maalinta Talaadada dalka Iiraan halmar ayaa wax weliba ay dhici doonaan; waxay noqon doontaa Maalinta Warshadda Korontada iyo Maalinta Buundada. Burburkaasi waxaa uu noqon doonaa mid aan horay loo arkin. Madaxweyne DONALD J. TRUMP
Warbaahinta Iiraan oo soo bandhigtay diyaaraddii laga burburiyay Mareykanka
Warbaahinta Iran ayaa shaacisay sawirro muujinaya burburka diyaarado lagu burburiyay intii lagu jiray hawlgalkii samatabbixinta ee duuliye-ku-xigeenka diyaaradda F-15E Strike Eagle.
Sida ay sheegayaan warbaahinta Maraykanka, intii lagu guda jiray hawlgalkan, laba diyaaradood oo xamuul ah oo loo qorsheeyay inay qaadaan ciidamada gaarka ah iyo duuliyaha ayaa la kulmay dhibaatooyin. Sida uu qoray waregyska The New York Times, ciidamada Maraykanku waxay “burburiyeen laba diyaaradood oo naafoobay si looga hortago inay gacanta u galaan Iran.”
Sida uu sheegay saldhigga cirka ee Khatam al-Anbia Air Base, “diyaaradaha cadowga ee soo galay hawada ayaa lagu duqeeyay koonfurta Isfahan,” oo ay ku jiraan laba helikobtar oo nooca Black Hawk ah iyo diyaarad xamuul milatari oo C-130 Hercules ah.”

Iran oo sheegtay inay soo ridday diyaarad drone ah oo baadigoobka ku jirtay
Warbaahinta dalka Iran ayaa ku warramaysa in ciidamada ilaalada kacaanka Islaamiga ah ay soo rideen diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka, xilli ay baadi goob ugu jirtay diyaaradda la la’yahay.
Diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ayaa ku burburtay gobolka Isfahan ee koonfurta Iran, sida ay sheegtay xafiiska xiriirka dadweynaha ee IRGC, sida ay werisay wakaaladda wararka ee Fars.
Wararkan weli ma xaqiijin Maraykanku.
Warbixin uu daabacay Bloomberg ayaa muujinaysa in Mareykanku uu si ballaaran u adeegsaday gantaallada casriga ah ee JASSM-ER intii uu socdo dagaalka Iran. Gantaalladan oo ah nooca qarsoon (stealth) ayaa loo adeegsaday weerarrada fog, iyagoo door muhiim ah ka ciyaaray howlaha militari.
Warbixintu waxay sheegaysaa in in ka badan 1,000 gantaal la isticmaalay bishii ugu horreeyay, taasoo si weyn u dhintay kaydkii hore oo gaarayay qiyaastii 2,300 gantaal. Hadda waxaa la qiyaasayaa in ay u harsan yihiin oo keliya ku dhowaad 425 gantaal, kuwaas oo ku soo dhamaan kara wax ka yar todobaadyo.
Arrintan ayaa dhalisay walaac ku saabsan awoodda mustaqbalka ee Mareykanka, maadaama gantaalladan laga soo qaaday kaydad kala duwan oo caalamka ku kala yaaala kuwaas oo logu talagalay xaalado kale oo dagaal. Sidoo kale, dib-u-soo saarista JASSM-ER waxay qaadan kartaa sanado, taasoo saameyn karta diyaar-garowga militari ee mustaqbalka.