Cumaan Oo Sheegay in Maanta Weerar Diyaarado drones Lagu soo Qaaday Dekedaha Ugu Waaweyn

Wararka ka imanaya dalka Cumaan ayaa sheegaya in maanta weerar diyaarado aan duuliye lahayn (drones) lagu qaaday dekedda Salalah, oo ka mid ah dekedaha ugu waaweyn ee ganacsiga badda ee dalka.

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya qarax iyo qiiq cirka isku shareeray oo ka kacaya agagaarka dekedda, taasoo muujinaysa in weerarku beegsaday kaabayaal ku yaalla goobta.

Ilaa hadda lama shaacin khasaare rasmi ah oo ka dhashay weerarka, sidoo kalena lama caddeyn cidda si toos ah uga dambeysa, balse dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli xiisadda milatari ee Bariga Dhexe ay sii kordhayso.

Dhanka kale, Sultanka Cumaan Haitham bin Tariq ayaa khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha Iiraan Masoud Pezeshkian, isagoo muujiyay cambaareyn iyo niyad jab ku aaddan weerarrada lagu beegsanayo dhulka Cumaan.

Sida ay werisay wakaaladda wararka ee dowladda Cumaan, Sultanku wuxuu caddeeyay in dalkiisu uu weli ku taagan yahay siyaasadda dhexdhexaadnimada, balse uu qaadi doono tallaabo kasta oo lagama maarmaan ah si loo ilaaliyo amniga iyo xasilloonida dalka.

Related posts

FBI-da Mareykanka Oo ka Digtay Weeraro Iran kusoo Qaadi karto Xeebaha Galbeedka Maraykanka.

Madaxwaynayaasha Somaliya, Jabuuti iyo Itoobiya, Oo Caawa Kulan Xogwaraysi ah ku Yeeshay Magalada Jabuuti.

30 Qof Oo ku Dhimatay Daadad kusoo Fatahay koofurta Itoobiya