Warar soo baxaya maanta ayaa sheegaya in dowladda Sacuudiga ay bilowday qorshe daad-gureyn ah oo lagu saarayo kumannaan shaqaale ah oo ka howlgala aagga ganacsiga ee magaalada Riyadh, gaar ahaan xarunta loo yaqaan King Abdullah Financial District (KAFD), oo ah wadnaha dhaqaalaha dalka.
Goobtan oo ay ku yaallaan bangiyada waaweyn ee Sacuudiga, xarumaha maaliyadeed, iyo shirkado caalami ah, ayaa lagu soo warramayaa in si degdeg ah looga daad-guraynayo shaqaalaha, kaddib cabsi xooggan oo la xiriirta suurtagalnimada weerarro ay Iiraan ku qaaddo gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn (drones).
Sida ay werisay warbaahinta Semafor, tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaallo lagu xoojinayo amniga iyo badbaadada dadka rayidka ah iyo hantida muhiimka ah, iyadoo laga jawaabayo xiisadaha sii kordhaya ee gobolka.
Ilaa hadda, mas’uuliyiinta Sacuudiga si rasmi ah ugama hadlin arrintan, balse ilo xog-ogaal ah ayaa tilmaamaya in tallaabadan ay tahay mid ka hortag ah oo lagu yareynayo khataraha suuragalka ah.
Xiisadda u dhexeysa Sacuudiga iyo Iiraan ayaa marar badan sare u kacday sanadihii u dambeeyay, iyadoo weerarro hore oo lagu bartilmaameedsaday xarumo shidaal iyo kaabayaal dhaqaale ay sare u qaadeen walaaca dhinaca amniga ah.
Faahfaahin dheeraad ah ayaa la filayaa inay kasoo baxdo saacadaha iyo maalmaha soo socda.