Dagaal Culus Oo ka Socda Duleedka Magaalada Baydhabo Galabta.

Duleedka magaalada Baydhabo ayaa caawa laga maqlayaa rasaas culus oo u dhaxeysa ciidamo kala taabacsan maamulka Koon-fur galbeed iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya, sida ay noo sheegayaan wararka horudhaca ah.

Goobjoogayaal ku sugan agagaarka goobta ayaa xaqiijinayay in dagaalka uu si lama filaan ah ku billowday, islamarkaana la maqlayo hub culus iyo mid fudud. Illaa iyo hadda si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay iska horimaadka, balse xiisadda ayaa si degdeg ah u kacsan.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dhaq-dhaqaaqyo ciidan iyo gurmadyo la arkayo, iyadoo laga cabsi qabo in dagaalku ku fido xaafado kale oo ku dhow magaalada. Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay dhinacyada dagaallamaya

Related posts

Hoggaamiyaha Iran oo sheegay inaysan ka Dambayn Weerar lagu Qaaday Cumaan iyo Turkiga

Somaliland oo ka Hadashay Xeer Muhiim u ah Oo la Horgeeyey Baarlamanka Maraykanka

Mareykanka oo Kumanaan Ciidamo dheeraad ah u Diraya Bariga Dhexe