Wararka naga soo gaaraya Waqooyiga dalka Itoobiya ayaa sheegaya in mar kale uu dib u qarxay dagaal culus oo u dhexeeya ciidamada Dowladda Federaalka Itoobiya iyo xoogagga ka amar qaata gobolka Tigray ee TPLF, arrin si weyn u walaac gelisay dadka ku nool gobolkaas iyo guud ahaan Geeska Afrika.
Dagaalkan cusub ayaa ka billowday deegaanka Tsemlet, oo ku yaalla dhanka Galbeedka Tigray, halkaas oo ay weli ka taagan yihiin muranno dhuleed oo xooggan oo u dhexeeya maamullada Tigray iyo Amxaarada. Labada dhinac ayaa muddo dheer isku hayay gacan ku haynta deegaanno lagu muransan yahay, kuwaas oo noqday il joogto ah oo colaado hor leh kicisa.
Goobjoogeyaal ku sugan aagga dagaalku ka socdo ayaa sheegay in la isticmaalayo hub culus, isla markaana dagaalku sababay barakac hor leh oo ku yimid shacabka rayidka ah. Dadka deegaanka ayaa ka cabsi qaba in colaaddan ay sii fido, maadaama ay jiraan dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ballaaran oo laga dareemayo deegaannada ku dhow xuduudaha gobolka.
Saameynta dagaalka ayaa si degdeg ah u gaartay isku socodka gaadiidka cirka, waxaana gebi ahaanba la joojiyay duulimaadyadii diyaaradaha ee tegi jiray iyo kuwa ka iman jiray gobolka Tigray. Tani waxay sii xumeysay go’doominta gobolka, iyadoo adkeynaysa helitaanka gargaar bani’aadannimo, dawooyin iyo sahay kale oo muhiim u ah nolosha dadka.
Dhanka kale, gobolka Tigray waxaa horey uga jirtay xaalad bani’aadannimo oo aad u liidata, taas oo hadda kasii daraysa. Dadka ku nool gobolka ayaa wajahaya gaajo baahsan, biyo la’aan iyo adeegyo caafimaad oo aad u kooban. Xaaladdan ayaa sii cakirtay kaddib markii hay’ado caalami ah, gaar ahaan USAID, ay jareen ama hakiyeen gargaarkii bani’aadannimo ee ay siin jireen gobolka, arrintaas oo keentay in malaayiin qof ay halis ugu jiraan macluul.
Khabiirro arrimaha gobolka falanqeeya ayaa ka digaya in haddii aan xal degdeg ah loo helin colaaddan, ay horseedi karto qalalaase amni iyo mid bani’aadannimo oo ka baahsan Tigray, isla markaana saameyn ku yeesha dalalka dariska la ah Itoobiya. Waxay sidoo kale ugu baaqayaan beesha caalamka iyo Midowga Afrika in ay kaalin muuqata ka qaataan dadaallada lagu xakameynayo dagaalka iyo dib u bilaabista gargaarka bani’aadannimo.
Ilaa hadda, Dowladda Federaalka Itoobiya iyo hoggaanka TPLF midkoodna si rasmi ah ugama hadlin dagaalkan cusub, balse xaaladda ayaa ah mid si dhow loola socdo, iyadoo cabsi laga qabo in heshiisyadii xabbad-joojinta ee hore loo gaaray ay gebi ahaanba burburaan.