Wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Imaaraadka, Urdun, Turkiga, Masar, Indonesia, Pakistan, Sacuudiga iyo Qatar ayaa si wadajir ah u soo saaray bayaan ay si adag ugu cambaareeyeen tallaabo sharci ah oo Israa’iil ka ansixisay baarlamaankeeda.
Bayaanka ayaa lagu sheegay in sharcigan uu ogolaanayo in xukun dil ah lagu fuliyo dhulka Falastiin ee la haysto, taas oo si gaar ah loogu beegsanayo Falastiiniyiinta.
Dalalkan ayaa ka digay in tallaabadan ay sii kordhinayso takoorka iyo cadaadiska, isla markaana ay khatar ku tahay xasilloonida gobolka. Waxay sidoo kale muujiyeen walaac weyn oo ku saabsan xaaladda maxaabiista Falastiiniyiinta, iyagoo xusay warbixino sheegaya tacaddiyo, jirdil iyo xaalado nololeed oo aad u liita.
Wasiirradu waxay ku baaqeen in la joojiyo tallaabooyinka sii hurinaya xiisadda, isla markaana la xoojiyo dadaallada caalamiga ah ee lagu ilaalinayo xasilloonida iyo cadaaladda.
Trump, oo ka cadhaysan in ree Yurub aysan ka saacidin dagaalka ayaa xalay ku ruqaanssday Macron. Wuxuu ku sifeeyay mid xaaskisu sixun ula dhaqanto- in ay garaacdo oo uu wali soo kabasho ku jiro ayuu sheegay.
Macron, oo isaguna hadlay ayaa sheegay in furitaanka Marinka Hormuz uusan sahal ahayn- meel dhaqaalle iyo amni ahaan culus. Wuxuu kaloo sheegay in Trump, iyo ISRL, kaligood go’aanka dagaalka qaaten oo aysan Yurubta kala tashan.
Hadalada xalay Trump, ku hadaaqayay waxaa kamid ah: “Caawimad ugamaba aanan baahnayn. Kaliya waan ku eegaynay bal waxay sameeyan. Way se soo jawabi waayen..”