Dalalka khaliijka Oo markii u horreysay Billaabay Wadahadallo la Xiriira Isbahaysi Difaac oo wada-jir ah

Dalalka khaliijka ayaa markii u horreysay lagu warramayaa inay billaabeen wadahadallo la xiriira inay sameeyaan isbahaysi difaac oo wada-jir ah, ka dib markii ay u caddaatay Mareykanka inuusan difaaci karin oo ay dammaatay kalsoonidii ay ku qabeen dhammaanada amni ee Mareykanka , sida ay werisey Al Jazeera.

Salman Shaikh, oo ah fallanqeeyo fadhigiisu yahay Dooxa ayaa u sheegay Al Jazeera in dagaalka Mareykanka iyo Israa’iil ay la galeen Iiraan uu ku qasbayo dalalka Khaliijka inay dib u qiimeeyaan doorka Mareykanka ee ahaa dammaanad-qaadaha ugu weyn ee amnigooda, waxaa kaloo uu sheegay in dagaalkani uu keenay su’aalo badan oo ka dhex taagan dalalka Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC), kuwaas oo la xiriira heerka ay gaarsiisan tahay ilaalinta amni ee Mareykanka ee gobolka.

Wuxuu yiri:

“Xaqiiqda fudud waxay tahay in Mareykanku uusan awoodin inuu si buuxda u ilaaliyo dalalka GCC.”

Isla waqtigaas, wuxuu sheegay in dalalka Khaliijku ay si joogto ah uga tashanayaan xaaladda oo ay wada hadal joogto ah leeyihiin iyagoo ka fikiraya tallaabooyinka xiga.

Wuxuu yiri:

“Iyagoo wada hadlaya waa inay ogaadaan in haddii aysan si midnimo ah u wada shaqeyn, ay suuragal tahay inay la kulmaan khataro badan oo kale.”

Shaikh wuxuu sidoo kale tilmaamay in hoggaamiyeyaasha Khaliijka ay ka wada hadlayaan sameynta isbahaysi amni oo gobolka ah, xitaa isbahaysi difaac oo u eg NATO.

Related posts

Afhayeenka Ilaalada Kacaanka Iran Oo ka Hadlay Qiimeyntii ay Sameeyeen Sirdoonka Maraykanka

Saldhiga Maraykanka Ee Kuwait Oo la Weeraray Iyo Markabkii dagaalka Mareykanka Oo dib ugurasho ku jira

Hoobiyaal lagu Garaacay Caawa gudaha Airport-ka Muqdisho Gaar ahaan Xerada Maraykanka