Dalka Venezuela Oo Galay Marxalad kala Guur ah iyo Ruushka Iyo Shiinaha Oo ku Fashilamay Inay Difaacan

by Heemaal
2 minutes read
A+A-
Reset

Dalka Venezuela ayaa galay marxalad kala guur ah iyo xaalad ka duwan tii uu dhawr maalmood ka hor ku jiray ka dib qabashada madaxweynihii waddankaas ka soo talinayey tan iyo 2013-kii ee Nicolas Maduro oo maalintii shalay laga dejiyey magaalada New York ee waddanka Maraykanka.

Maduro oo ay qabteen ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee waddanka USA ayaa la filayaa in dharaarta berri ah la soo taago maxkamad ku taalla Maraykanka si loogu oogo arrimaha loo haysto oo ay ka mid yihiin ka ganacsiga maandooriyaha iyo ku lug lahaanshaha falal amni darro oo ka dhacay Koonfur Ameerika.

𝐘𝐚𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐦𝐮𝐮𝐥𝐚 𝐕𝐞𝐧𝐞𝐳𝐮𝐞𝐥𝐚?

Maxkamadda sare ee Venezuela ayaa maanta go’aamisay in haweenaydii Delcy Rodriguez ay noqoto madaxweynaha dalkaas iyada oo buuxinaysa booska hadda bannaanaday si looga hor tago in dalku galo xaalad jaha wareer ah iyo in ay shaqayn waayaan haayaddaha dawladdu Balse dawladda Maraykanka ayaa ka hor timi tallaabadaas, waxana ay Washington ku doodaysaa in dalkaas loo samayn doono dawlad sharci ah oo dalkaas gaadhsiisa doorasho lagu soo xusho madaxweynihii waddankan hoggaamin lahaa.

Maamuulka madaxweyne Trump ayaa sidoo kale diiddan in talada loo cimaamado haweenaydii dhawaan ku guulaysatay billada nabadda adduunka ee María Corina Machado isaga oo Trump u arka in ay tahay shakhsi la siiyey billadii isaga loo waday. Marìa ayaa ah hoggaamiyaha ugu weyn mucaaridka dalka Venezuela waxayna muddo dheer ahayd dib wareeg aan loo ogolayn in ay qoobka soo geliso Caracas.

𝗥𝘂𝘂𝘀𝗵𝗸𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗦𝗵𝗶𝗶𝗻𝗮𝗵𝗮 𝗼𝗼 𝗸𝘂 𝗳𝗮𝘀𝗵𝗶𝗹𝗺𝗮𝘆 𝗶𝗻 𝗮𝘆 𝗱𝗶𝗳𝗮𝗮𝗰𝗮𝗮𝗻 𝗠𝗮𝗱𝘂𝗿𝗼.

Hoggaamiyaha gurigiisa loogu daatay ee Nicolas Maduro wuxuu saaxiib dhow la ahaa waddamada Ruushka iyo Shiinaha oo u ballan qaaday in ay difaaci doonaan balse garabkiisa banneeyey xilligii uu ugu baahida badnaa. Beijing iyo Moscow ayaa lagu dhaliilay in aanay qaadin wax tallaabo ah oo muuqata si loo badbaadiyo Maduro, marka laga reebo cambaarayn iyo hadallo ay ku diiddan yihiin tallaabada Trump ku fara geliyey dalka Venezuela.

𝗪𝗮𝗱𝗱𝗮𝗺𝗮𝗱𝗮 𝗗𝗶𝗺𝘂𝗾𝗿𝗮𝗮𝗱𝗶𝗴𝗮 𝗮𝗵 𝗼𝗼 𝘁𝗮𝗮𝗴𝗲𝗲𝗿𝗮𝘆 𝘁𝗮𝗹𝗹𝗮𝗮𝗯𝗮𝗱𝗮 𝗧𝗿𝘂𝗺𝗽.

Dalalka ku dhisan nidaamka dimuqraadiyada ee Caalamka ka dhisan sida Faransiiska, Talyaaniga, Israel iyo Somaliland ayaa soo dhoweeyey in la xidhay madaxweyne Nicolas Maduro waxayna ku tilmaameen in ay ahayd tallaabo lagu garab istaagayo shacabka Venezuela oo muddo dheer doonayey in ay helaan fursad ay ku soo doortaan shakhsigii hoggaamin lahaa.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.