Dawlada Denmark Oo ku Dhawaaqday inay Kordhisay Ciidamada Milatariga ee jasiiradda Greenland ka Jooga

by Heemaal
1 minutes read
A+A-
Reset

Wasaaradda Difaaca Denmark ayaa ku dhawaaqday inay kordhinayso joogitaanka milatariga ee jasiiradda Greenland, iyadoo diraysa kumannaan askari, diyaarado dagaal iyo maraakiib, waxaana ku biiraya boqollaal askari oo ka socda xulafada NATO. Tallaabadan ayaa imaneysa xilli indhaha caalamku ku jeedaan Bariga Dhexe, balse Denmark waxay doonaysaa inay xoojiso gacan-ku-haynta amniga Greenland,oo ka mid ah goobaha uu indhaha ku hayo Trump.

War-saxaafadeed rasmi ah oo maanta la soo saaray ayaa lagu sheegay in kordhinta joogitaanka milatariga loogu talagalay xoojinta amniga gobolka Arctic iyo Waqooyiga Badweynta Atlantic, iyadoo la ilaalinayo xarumaha muhiimka ah, la taageerayo hay’adaha ammaanka ee Greenland, lana fulinayo hawlgallo cirka iyo badda ah.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.