Lebanon ayaa sheegtay in Israel ay fulisay 2,036 xadgudub oo ka dhan ah heshiiska xabbad-joojinta intii lagu jiray saddexdii bilood ee ugu dambeysay sanadkii 2025, taasoo ay ku tilmaantay falal si toos ah u dhaawacaya amniga iyo xasilloonida dalkaasi.
Warbixinta Lebanon ayaa intaas ku dartay in dowladda Beirut ay arrintan si rasmi ah cabasho ugu gudbisay Qaramada Midoobay, iyadoo ku eedeysay Israel inay jebisay madax-bannaanida iyo xuduudaha Lebanon, isla markaana ay si cad uga hor timid qaraar Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo heshiiskii xabbad-joojinta ee la gaaray Nofeembar 2024.
Lebanon waxay sheegtay in xadgudubyadan isugu jiraan falal kala duwan oo lagu tilmaamay “weerarro joogto ah” oo saameyn ku yeeshay xaaladda amni, iyadoo dalbanaysa in Qaramada Midoobay ay tallaabo ka qaaddo arrintan si loo ilaaliyo heshiiska xabbad-joojinta loogana hortago xiisad hor leh oo ka qaraxda xadka labada dal.

