Dawlada Qatar Oo ku Dhawaaqday Go’aan ka Nixiyey dalalka Reer Galbeedka

Dowladda Qatar ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay hakisay soo saarista gaaska dabiiciga ah ee dareeraha ah (LNG), kaddib weerarro la sheegay in ay ku qaadday Iran xarumo muhiim ah oo ku yaalla magaalooyinka warshadaha ee Ras Laffan iyo Mesaieed. Warbixintan waxaa baahisay Al Jazeera, taas oo tilmaamtay in hakinta wax-soo-saarka ay timid si loo qiimeeyo khasaaraha iyo xaaladda amni.

Ras Laffan iyo Mesaieed ayaa ka mid ah xarumaha ugu waaweyn ee warshadaha gaaska iyo shidaalka ee Qatar, waxaana laga maamulaa inta badan dhoofinta LNG ee dalkaasi. Qatar oo ka mid ah dalalka ugu waaweyn dunida ee soo saara LNG, ayaa door muhiim ah ku leh suuqyada tamarta ee Yurub, Aasiya iyo meelo kale oo caalamka ah. Hakinta wax-soo-saarka ayaa sidaas darteed si toos ah u saameyn karta sahayda caalamiga ah iyo qiimaha tamarta.

Weerarka la sheegay in Iiraan ay ku qaaday xarumahan ayaa imanaya xilli xiisad militari ay ka aloosan tahay gobolka Khaliijka. Inkastoo faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan baaxadda burburka aan weli si buuxda loo shaacin, wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in tallaabada joojinta ay tahay mid ku-meel-gaar ah oo lagu hubinayo badbaadada shaqaalaha iyo kaabeyaasha warshadaha.

Hakinta LNG-ga Qatar ayaa durba kicisay walaac ku saabsan saameynta ay ku yeelan karto suuqyada tamarta caalamka, maadaama dalal badan ay si weyn ugu tiirsan yihiin gaaska Qatar, gaar ahaan xilligan oo dunidu wajahayo caqabado la xiriira sahayda tamarta. Khubarada ayaa ka digaya in haddii hakintu sii socoto, ay keeni karto koror degdeg ah oo ku yimaada qiimaha gaaska iyo korontada dalal badan.

Gaaska ayaa la sheegay in markii uu si warkan uu qiimihiisu kordhay Suuqyada Yurub %50 taasoo walaac badan ka dhalisay dalal badan oo ka cabsi qaba in sicir bararkaas uu saameyn adag ku yeesho shacabkooda.

Dhanka kale, beesha caalamka ayaa si dhow ula socota horumarka xaaladda, iyadoo laga cabsi qabo in weerarradan ay sii hurin karaan colaadda u dhexeysa dalalka gobolka, taasoo keeni karta khatar amni iyo mid dhaqaale oo ballaaran. Dowladda Qatar weli ma shaacin goorta ay dib u bilaabi doonto soo saarista LNG, balse waxay sheegtay inay mudnaanta siinayso qiimeyn buuxda oo amni iyo farsamo kahor inta aan la go’aan gaarin.

Related posts

USA oo u ogolaatay Israa’iil iib hub degdeg ah, iyo khaliijkii oo cidlo ku soo dhacay

Sacuudiga iyo Pakistan oo ka wada hadlay isku diyaarinta, dagaala iyo difaac wada jir ah

Xisbulah oo eryatay ciidamo Yuhuuda oo isku dayey hawlgal qarsoodi ah oo ay ka fulinayeen Lubnaan