Dawladaha Qatar, Turkiga iyo Masar Oo Qodobo Dhex-dhexaadin ah kasoo Saaray Xiisada Iran Iyo Maraykanka.
Dawladaha Qatar, Turkiga iyo Masar iyagoo ku jira doorka dhexdhexaadinta Mareykanka iyo Iiraan , inay soo jeediyeen qorshe la xiriira wadahadallada Iiraan iyo Mareykanka ee la filayo inay qabsoomaan Jimcaha. sida ay Al Jazeera baahisay caawa.
Waxay soo jeediyeen Qodoban hoos ku Qoran;
•In Iiraan ay joojiso kobcinta uranium-ka muddo saddex sano ah,ka dibna heerka kobcinta la dhimo wax ka yar 1.5%, isla markaana keydka uranium-ka la kobciyey loo raro dal saddexaad.
•In la xaddido adeegsiga Iiraan ee gantaallada ballaastiigga ah.
•In la joojiyo kooxaha ay Iiraan taageerto ee gobolka bariga dhexe.
•In la gaaro heshiis ah inaysan is wareerin karin Mareykanka iyo Iiraan.
Waxaa la filayaa in wadahadalladu ka dhacaan Cumaan,iyadoo ay ka qayb galayaan ergayga Mareykanka Steve Witkoff iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan Abbas Araqji.
