Dawladda Eritrea, ayaa sheegtay in qorshaha Itoobiya ku hunguraynayso xeebaheeda Iyo dekeddeeda in ay dabada ka riixayaan dalal shisheeye oo ay tilmaantay in ay colaadda iyo khatar u soo jiidayaan Geeska Afrika.
War qoraal ah oo lagu baahiyey website-ka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Eritrea, ayaa lagu sheegay in ay Itoobiya qorshaheeda sheegashada Dekedda Casab yahay mid aan la aqbali Karin oo madax bannaanidooda dhaawacaysa, iyaga oo xusay in ay hayaan cadaymo muujinaya in shisheeye aanay magacaabin ay dabada ka riixayaan damaca Itoobiya.
Eritrea, waxa ay ka digtay khatar arrintan ku yeelan karto Geeska Afrika.