Dawladda Kenya ayaa go’aansatay in ay dib u dhigto fulinta heshiis ganacsi oo ay la gashay dawladda Shiinaha ka dib markii ay cadaadis kala kulantay dalka Maraykanka oo ku hanjabay in uu cashuuro badan ku soo rogi doono Kenya haddii ay sii xoojiso xidhiidhkeeda ganacsi ee Beijing.
Heshiiska Kenya iyo Shiinaha oo la filayey in uu si rasmi ah loo ansixiyo ayaa hadda u muuqda in uu guud ahaanba fashilmay waxaana soo baxaysa in Maraykanku uu il gaar ah ku eegi doono dalalka Afrika ee xidhiidhka la samaynaya Shiinaha.
Kenya oo wajahaysa culayso dhaqaale iyo deymo xad dhaaf ah waxa ay hadda ku dedaalaysaa in ay sii haysto xulafadeedii hore ee reer Galbeedka si ay uga soo kabato duruufaha dhaqaale ee ku gedaaman dalkan dhaca bariga Qaaradda Afrika.
Have any thoughts?
Share your reaction or leave a quick response — we’d love to hear what you think!

