Dawladda Somaliya Oo Beenisay In Hawadeeda ka Mamnuucday Diyaarada Rakaabka Arkia ee Isra||L

by Heemaal
1 minutes read
A+A-
Reset

Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa beenisay war lagu daabacay Ynetnews ee dalka Isra||L oo ahaa in Soomaaliya hawadeeda ka mamnuucday Diyaaradda Rakaabka Arkia ee dalkaas Isra||L laga leeyahay.

Mr Maxamed Faradheere oo ah Agaasimaha Waaxda Warfaafinta ee Wasaaradda Duulista Hawada Soomaaiya ayaa Bakayle Media u xaqiijiyay in warkaasi uu yahay waxba kama jiraan.

Wuxuuna yidhi; “Wararka sheegaya in shirkadda Arkia (oo laga leeyahay Israa’iil) laga hor istaagay ama laga gaabiyey codsi cusboonaysiin waa kuwo aan sal iyo raad toona lahayn. DFS ma jirto shirkad ay si gaar ah u beegsatay ama ka mamnuucday isticmaalka hawada iyada oo aan loo marin nidaamka sharciga ah ee duulista,”

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.