Dawladda Sucuudiga ayaa si rasmi ah u guda gashay in ay Passport u samayso Geela dalkaas ku dhaqan kaasoo sida dadka yeelanaya Passport u gaar ah iyadoo lagu beddelayo summaddii iyo Baadi soocdii Geela lahaan jiray ama lagu samayn jirey.
Passport kan ayaa lagu qori doona Xogta Hal, Nirig, Qaalin, Awr iyo Qurbac kasta oo dalkaas ku dhaqan sida goortii uu dhashay, magaca loo bixiyey iyo goobta uu ku nool yahay iyada oo lagu dhejinayo sawir laga qaaday.
Dalka Sucuudiga ayaa ka mid ah waddamada sida weyn looga qaddariyo Geela oo muddo dheer ahaa gaadiidkii lagaga gudbi jirey Saxaraha aadka u weyn ee Rubuc Khaali kaas oo ilaa hadda laga sameeyey waddooyin gadiidku adeegsado.