Dekedda Muqdisho oo si Rasmi ah ugu Biirtay Ururka Caalamiga ah ee Dekedaha iyo Badda (IAPH)

Maamulka Dekedda Muqdisho ayaa si rasmi ah ugu biiray Ururka Caalamiga ah ee Dekedaha iyo Badda (IAPH), oo ah hay’ad caalami ah oo badda ku shaqeysa, laguna leeyahay xarun magaalada Tokyo, dalka Japan.

Mas’uuliyiinta dekedda ayaa sheegay in xubinnimada ay Dekedda Muqdisho siin doonto fursad ay si dhow ula shaqeyso dekedaha caalamiga ah, aqoon isweydaarsiga u samayso, isla markaana xoojiso heerarka hawlgalka iyadoo la raacayo hababka caalamiga ah.

Agaasimaha dekedda Muqdisho Maxamed Cali Nuur (Ameerika), ayaa sheegay dekeddu in ay dhowrkii sano ee la soo dhaafay sameysay horumar la taaban karo oo dhinaca hawlgallada iyo kaabayaasha ah.

Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale tilmaamay in ku biirista ururkan caalamiga ah ay sii xoojin doonto qaybta badda ee Soomaaliya, isla markaana kor u qaadi doonto doorka dekedda ee ganacsiga gobolka iyo kan caalamiga ah.

Ururka dekedaha oo la aasaasay sanadkii 1959, ayaa isu keenaya in ka badan 190 dekedood oo ka socda 89 dal, isaga oo dhiirrigeliya iskaashiga, hal-abuurka, iyo horumar waara oo ka dhex socda warshadaha dekedaha iyo badda caalamka.

Related posts

Imaaraadka:-Diyaaradaha Dronka Iran Oo Duqeeyay Warshad ugu Wayn Bariga Dhexe Ee Shidaalka sifeeysa

Safaaradda Maraykanka ee Jabuuti Oo soo Saartay Digniin Amni.

Xoghayaha Gollaha sare ee Amniga Iran Oo War kasoo Saaray Marin Biyoodka Hormuz