Dhaqaalaha dalka Qatar Oo Hoos u Dhac ku yimid dhawaad 9%.

Wakaaladda wararka ee Reuters, ayaa ku warrantay in dhaqaalaha dalka Qatar uu hoos u dhacayo ku dhawaad 9% inta lagu jiro sannadkan 2026, sabab la xiriirta saameyn ka dhalatay weerarradii ay Iiraan ku burburisay qaybo ka mid ah xarumaha gaaska Qatar oo dhaliyay 17% dhoofinta gaaska Qatar inuu is taagayo.

Wasiirka Tamarta Qadar ayaa sheegay in uu Maraykanka dhawr mar uga digay in Iraan la kiciyo, isla markaasna la weeraro xarumaheeda gaaska. Wuxuu sheegay in arrintaasi ayaaka-ka Qadar ahaan dhibaato ku noqon karto, waa sida uu hadalka u dhigaye. Run ahaantii waxay ku noqotay halis iyo dhaawac aad u wayn-oo Iraan waxay weerartay Ras Laffan oo ah meel ay Qadar ku kaydiso kana soo saarto gaaska dabiiciga ah, xaruntaas in dib loo kiciyo oo loo dayac tiro waxay qaadan kartaa sanado.

Related posts

“Go’aanka Uu Maanta Qaatay Ingiriisku wuu Halis-galinayaa Dadka UK..”Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan

Senatoro Su’aalo Adag ka Weydiisay Janaraal Ciidanka Mareykanka ah Dagaalka Iran

Sri Lanka Oo Maraykanka ka Diiday Inuu Isticmaalo Garoonka Caalamiga ah ee Mattala Rajapaksa.