Sunday, April 5, 2026

Dhexdhexaadiyayaal ka socda Turkiga, Masar iyo Pakistan Oo Iran ku Cadaadinaya Inay Aqbasho Xabad-joojinta

by Heemaaln
2 minutes read
A+A-
Reset

Dhexdhexaadiyayaal ka socda Turkiga, Masar iyo Pakistan ayaa si degdeg ah ugu dadaalaya inay Iiraan ku qanciyaan inay miiska wada-hadallada la fariisato Mareykanka, si loo joojiyo dagaalka ama loo gaaro xabbad-joojin ku-meel-gaar ah. Laakiin ilaa hadda, dadaalladaas wax natiijo ah ma aysan keenin.

Masuuliyiinta Iiraan ayaa diiday inay ka tanaasulaan dalabaadkooda, waxayna sidoo kale diideen soo jeedin ahayd in marin-biyoodka Hormuz la furo iyadoo lagu beddelayo xabbad-joojin ku-meel-gaar ah.

Waxay sidoo kale Iiraan u sheegtay dhexdhexaadiyeyaasha inaysan diyaar u ahayn inay la kulanto masuuliyiin Mareykan ah magaalada Islamabad maalmaha soo socda, ayna u aragto dalabaadka Mareykanka ee lagu doonayo in dagaalka lagu soo afjaro kuwo aan la aqbali karin, sida uu weriyey wargeyska Wall Street Journal.

Wasaaradda arrimaha dibadda Ruushka ayaa warsaxaafadeed ka soo baxay oo telefishinka RT uu baahiyay, waxaa lagu yiri; “ Ruushka wuxuu ka digayaa hadallada hanjabaada ah ee Mareykanka ka soo baxaya oo ku aaddan Iiraan, haddii uu Mareykanka doonayo heshiis waa in hadalladaaa meesha laga saaraa.”

Warbaahinta Israa’iil oo telefishinka Channel 14 oo Netanyahu uu maalgaliyo uu ku jira ayaa caawa baahiya in Xisbullah ay gantaallo ku dhufatay markabka ciidanka badda Ingiriiska ee HMS Dragon, xilli uu ku sugnaa xeebaha ku dhow Lubnaan, balse isla markii warkan waxaa soo farageliyay warbaahinta Ingiriiska, iyadoo wargeyska The Telegraph oo xiganaya ilo ka tirsan ciidanka badda Ingiriiska uu beeniyay warkan , waxaana warbixinta wargeyska lagu caddeeyay inaysan jirin wax weerar ah oo markabkan uu la kulmay.

Dhinaca kale Xildhibaan hore, Marjorie Taylor Greene oo ka mid ahayd dadkii saaxiibka dhow la ahaa Trump ayaa hada Masiixiyiinta ugu baaqday ineysan taageerin Trump.

Taylor ayaa tidhi “Trump waa waashay, hadaladiisa iyo ficiladiisa maaha iney taageeraan Masiixiyiintu.”

Taylor Greene iyo Trump ayaa isku seegay kadib markii Greene ay dadaal badan ku bixisey in lasii daayo faylashii Ep/stein taasoo Trump uu si wayn uga soo horjeeday, kadib khilaaf wayn oo soo kala dhexgalay iyada iyo Trump ugu dambeyn waxay horaantii sanadkan iska casishay xubinnimadii Congress-ka, waxay ku dhaleecaysay Trump inuu ka tahay mabaa’diidii (American First)