Diyaarad siday qalab milatari oo ka soo duushay Saldhigga ciidanka Cirka ee Al Dhafra ee Abu Dhabi kuna socotay Saldhigga Harar Meda ee dalka Itoobiya ayaa aad iskaga ilaalisay in ay soo gasho hawada Soomaaliya.
Diyaaraddan oo ah mid si gaar ah ugu adeegta howlaha culus iyo kuwa istiraatiijiga ah, ayaa ka leexatay hawada Soomaaliya , iyadoo beddelkeeda martay hawada Jabuuti inta ay safarka ku jirtay.
Imaaraadka ayaa hubkii uu ka dajin jirin Bosaso hada u badalay dhanka Saldhigga Harar Meda ee dalka Itoobiya si uu ugu gudbiyo Suudaan.
