106
Diyaarad khaas ah oo nooca Hawker 800XP ah, kuna diiwaangashan lambarka T7-NKS, ayaa maanta ka soo duushay garoonka caalamiga ah ee Ben Gurion ee Israa’iil , iyadoo ku wajahneyd Hargeysa, Somaliland.
Diyaaraddu waxay martay hawada Itoobiya , halkaas oo ay ku sameysay wareegyo sugitaan (holding patterns) dhowr ah ka hor inta aysan si toos ah u aaddan Hargeysa.
Warar soo baxaya ayaa tilmaamaya in diyaaraddu la xiriirto hay’adda sirdoonka Israa’iil ee Mossad, arrintaas oo dhalisay hadal-heyn iyo su’aalo ku saabsan ujeeddada safarkeeda.



