Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga kaga qayb galay munaasabadda xuska sannad guurada 66-aad ee aas-aaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hambalyo u diray dhammaan Saraakiisha, Saraakiil Xigeennada, Alifleyda, Dablayda iyo qoysaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Inta ay socotay munaasabaddu, cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa soo bandhigay dhoollatus ay ku muujinayaan cududda iyo tayada ciidanka, cir iyo dhul, iyadoo gaadiidka gaashaamaan, Halyeeyada naftood hureyaasha ah, dabaabadaha iyo diyaaradaha dagaalka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay muujiyeen sida ay ugu diyaarsan yihiin xoreynta iyo difaaca dalka.
Saaka ayaa hawada caasimadda Muqdisho lagu arkay diyaarado dagaal oo ka qayb qaadanaya dabaal-degga, kuwaas oo muujinaya awoodda iyo horumarka Ciidanka Xoogga Dalka. Sida ay ogaatay Caasimada Online, diyaaradahaas waxaa ka mid ah nooca F-16 ee Turkiga, kuwaas oo sameeyay duulimaadyo lagu taageerayo xuska maalinta qaran.
Dadka reer Muqdisho ayaa si weyn u daawanayay bandhigga cirka, iyadoo ay muuqdeen farxad iyo xiiso ku aaddan muuqaalka diyaaradahaas iyo guud ahaan dabaal-degga ciidanka.




