Diyaaradaha sirdoonka ee aadka u qarsoon ee RQ-170 Sentinel, oo ay samayso shirkadda Lockheed Martin, ayaa loo adeegsaday hawlgalkii Mareykanku bishii hore ka fuliyay dalka Venezuela, kaas oo lagu soo qabtay hoggaamiyaha dalkaas, Nicolás Maduro. Shirkadda Lockheed Martin ayaa arrintan si rasmi ah u xaqiijisay.
Arrintan ayaa ah dhacdo naadir ah, maadaama RQ-170 ay ka mid tahay diyaaradaha qarsoon ee Mareykanku leeyahay, islamarkaana aysan badnen in la shaaciyo halka iyo sida loo adeegsado. Diyaaraddan ayaa horey sidoo kale loogu isticmaalay dabagalka hoggaamiyihii ururka Al-Qaacida, Osama bin Laden, 10
Sano ka hor.
Warbixin ay Lockheed Martin ku soo bandhigtay natiijooyinka dakhliga rubuca afraad ayaa lagu sheegay in hawlgalkan, oo loo bixiyay Operation Absolute Resolve, loo adeegsaday diyaaradaha RQ-170 Sentinel, iyo diyaaradaha dagaalka ee F-22 iyo F-35, iyo helikobtarrada Black Hawk.
Guddoomiyaha Taliyeyaasha Isku-dhafka ah ee Ciidamada Mareykanka, Janaraal Dan Caine, ayaa sheegay in in ka badan 150 diyaaradood ay hawada ku jireen intii uu socday hawlgalkan. Diyaaradahaas waxaa ka mid ahaa E-2 Hawkeye iyo B-1 Lancer.
Diyaaradda RQ-170 waxaa soo saartay waaxda siraha qarsoon ee Lockheed Martin ee loo yaqaan Skunk Works, oo ku takhasustay samaynta diyaaradaha iyo tignoolajiyada milatari ee qarsoon. Ciidanka Cirka Mareykanka ayaa sanadkii 2020 shaaciyay in RQ-170 ay ka qaybqaadatay tijaabo gaar ah oo ku kacday $1.4 milyan, taas oo lagu hubinayay awooddeeda qarsoodiga, ee la-dagaallanka difaacyada hawada cadowga, iyo dagaalka elektarooniga ah.
Wararkan ayaa muujinaya sida Mareykanku u adeegsado tiknoolajiyada milatari ee casriga ah marka uu fulinayo hawlgallo xasaasi ah oo dibadda ah.
