Dowlada Iran Oo Diiday Qaraar Q/Midoobay ku Cambaareesay Dilalka Mudaharaadayaasha

by Heemaal
1 minutes read
A+A-
Reset

Dowladda Iran ayaa diiday qaraar Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay uu ku cambaareeyay “rabshaddii lagu kala eryay mudaharaadyo nabadeed” oo la sheegay inay sababeen kumannaan dhimasho ah.

Qaraarka waxaa taageeray 25 dal oo ay ku jiraan Faransiiska, Japan iyo Kuuriyada Koonfureed, halka 7 dal ka hor yimaadeen sida Shiinaha, Hindiya, Pakistan, Halka 14 dalna ay ka aamuseen sida Qatar iyo Koonfur Afrika.

Goluhu wuxuu Iran ugu baaqay inay joojiso xarigga dadka mudaharaadyada la xiriira, isla markaana ay ka hortagto dilalka sharci darrada ah, dadka la xirayo, iyo tacaddiyo jinsiga ku saleysan.

Wakiilka Iran Ali Bahreini ayaa sheegay in 3,117 qof la dilay, isagoo ku eedeeyay “argagixiso” isla markaasna taageeraan Maraykanka iyo Israa’iil. Hay’adda HRANA se waxay sheegtay inay xaqiijisay ugu yaraan 5,137 dhimasho, islamarkaana ay baarayso 12,904 kale.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.