Dowladda Qatar ayaa si kulul u cambaareysay weerar ay sheegtay in Iran ku bartilmaameedsatay dhismayaal ku yaalla dalka Bahrain oo ay deggenaayeen askar ka tirsan Ciidanka Badda ee Qatar.
Bayaan ay maanta soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar ayaa lagu sheegay in dhismayaasha la beegsaday ay hoos yimaadeen taliska mideysan ee ciidamada milatari ee Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC).
Doha waxay dhacdadan ku tilmaantay fal gardarro cad iyo xadgudub lagu sameeyay madaxbannaanida Bahrain, iyadoo ka digtay in arrintani ay khatar ku tahay amniga iyo xasilloonida gobolka.
Wasaaraddu waxay sidoo kale sheegtay in dhammaan askartii Qatar ee ku sugnaa dhismayaasha la bartilmaameedsaday ay badqabaan, isla markaana aan wax dhaawac ah la soo sheegin.