Ruushka ayaa uga digay Mareykanka inuu weerarro Iiraan, iyadoo hadal wakaaladda wararka ee Tasnim ay ka soo xigatay Wasaaradda arrimaha dibadda Ruushka lagu sheegay.
“Hanjabaada Mareykanka ee weerar lagu qaadayo Iiraan waa kuwo gebi ahaanba aan la aqbali karin. Quwado shisheeye oo Iiraan cadow ku ah ayaa isku dayaya inay burburiyaan dalka Iiraan… Ruushku si adag ayuu u cambaareynayaa faragelin shisheeye oo waxyeello leh oo lagu sameynayo arrimaha gudaha ee Iiraan.”
Mareykanka oo diyaarinaya inuu weeraro Iran ayaa maanta ku dhawaaqay inuu Qatar ka hirgeliyay xarun cusub oo isku-duwid difaaca cirka iyo gantaallada Bariga Dhexe, taasoo ay si wadajir ah uga howlgeli doonaan dalalka gobolka ee xulafada la ah.
Xaruntan ayaa loogu talagalay xoojinta wada-shaqeynta iyo ka hortagga weerarro kasta oo ka dhaca gobolka.
Tallaabadan ayaa imanaysa xilli ay sii kordhayaan xiisadaha amni ee Bariga Dhexe, gaar ahaan iyadoo laga cabsi qabo isku dhac milatari oo u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan, xilli Iiraan ay ku hanjabtay in weerar kasta oo lagu qaado ay kaga jawaabi doonto beegsiga Israa’iil iyo saldhigyada Mareykanka ee gobolka.

